Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhagax dhigay warshadda sifeynta batroolka (Godey Oil Refinery) iyo warshadda bacriminta beeraha oo laga dhisayo gobolka Soomaalida. Abiy oo shalay safar ku tagay gobolka Soomaalida, ayaa ku shaaciyey dhismaha labadaas warshadood maanta oo Khamiis ah fariin uu ku daabacay bogagiisa bulshada.
Wuxuu ku faahfaahiyey in warshadda sifeynta saliidda ee Godey laga dhisayo gobolka Soomaalida ay noqon doonto mid saliidda cayriin ee laga helo ceelasha saliidda ee Hilala sifeysa, kaydisa, soona saarta. Mashruuca gaaska dabiiciga ah ee shidaalka ee Ogaadeeniya, ayaa sanadkii mar soo saari doona 111 milyan litir. Sidoo kale, waxaa isla goobta lagu bilaabay wajiga labaad oo kordhin doona wax-soo-saarka ilaa 1.33 bilyan litir sanadkiiba.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay labada mashruuc “ mid taariikhi ah oo wax weyn ka taraya horumarka gudaha Itoobiya,” isaga oo xusay inay muujinayaan iskaashi, koboc warshadeed, iyo ilaalinta nabadda. Waxa uu sidoo kale ammaanay maamulka deegaanka iyo shacabka gobolka Soomaalida dadaalkooda horumarineed.
Sidoo kale wuxuu xusay in warshaddaasi ay awood u yeelan doonto inay soo saarto una keento dalka 3.5 milyan oo tan oo shidaal ah sanadkii. Wuxuu sidoo kale sheegay in warshadda Godey ay dhiseyso shirkadda “Golden Concord Group.”
Wasaaradda Maaliyadda ayaa Talaadadii shaacisay in shirkadda Golden Concord Group (GCG), oo muddo sanado ah baaritaan ku sameyneysay shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee gobolka Soomaalida, ay dhamaystirtay wajigii koowaad ee mashruuceeda saliidda ee goobaha Kalub iyo Hilala.
Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa sidoo kale sheegay in warshadda soo saarta Urea (bacriminta), oo maanta la dhagax-dhigay, lagu dhisi doono “iskaashi” u dhexeeya Ethiopian Investment Holding iyo Dangote Group.
Markii labada dhinac ay saxiixayeen heshiiska dhismaha bishii Agoosto, waxaa la shaaciyey in Dangote Group ay yeelan doonto 60% saamiga warshadda, halka Investment Holding ay yeelan doonto 40%. Abiy ayaa ku dhawaaqay in gaaska dabiiciga ah ee loo adeegsan doono soo saarista bacriminta laga soo saari doono “ceelka gaaska ee Kalub.”
Wuxuu sidoo kale sheegay in warshaddu ay adeegsan doonto “tuubbo gudbinaysa gaaska oo dhererkeedu yahay 108 kiiloomitir” si loo geeyo gaaska la soo saaray, waxaana la rajeynayaa in warshaddu ay soo saarto “saddex milyan oo tan sanadkii.”
Waxaa horay loo sheegay in dhismaha warshadda bacriminta la dhameystiri doono “muddada aan ka badneyn saddex sano.”
Ra’iisul Wasaare Abiy, oo ku tilmaamay labada warshadood “mashaariic waaweyn oo wax badan ku soo kordhin doona gudaha Itoobiyana wax weyn ka ah,” waxaa uu yiri: “Maanta waxa dhacay dhacdo taariikhi ah oo ka farxineysa dhammaan shacabka Itoobiya”.
“Mashruucyadani kuma koobna oo keliya muujinta koboca warshadaha. Waxa ay caddeynayaan mas’uuliyadeena wadajirka ah ee ku aaddan in aan ka faa’iideysanno fursadaha, xoojinta iskaashiga, iyo ilaalinta nabadda,” ayuu yiri, isaga oo ammaan u jeediyey warshadaha maanta la bilaabay dhismahooda.
Dhanka kale, Ra’isul wasaare Abiy ayaa ku ammaanay mas’uuliyiinta deegaanka in ay wax badan ka qabteen dhanka horumarka deegaanka. “Shacabka deegaanka ayaa tallaabadaan u arka in wax badan oo maqal ku ahaa ay hadda arkayaan iyadoo ficil ah” sida uu warbaahinta u sheegay wariye madax bannaan oo ku sugan Jigjiga.
Wuxuu intaa ku daray in mashaariic kale oo xalay uu ra’iisul wasaaruhu soo indha-indheeyay ay tahay mid si weyn uga qayb qaadanaysa bilicda deegaanka sida mashruuca dib u hagaajinta marinnada Jigjiga.
Dhanka kale, Madaxweynaha Maamulka Soomaalida, Mustafe Muxumud Cumar Cagjar, ayaa sheegay in shidaalka, gaaska, bacriminta, iyo korontada ay qeyb ka yihiin mashaariic waaweyn oo qiimahoodu gaarayo 10 bilyan oo dollar, kuwaas oo ay soo dhaweynayaaan xilli barwaaqo ah oo loogu talagalay Gobolka Soomaalida iyo Itoobiya.
Madaxweyne Cagjar ayaa xusay in nasiib-darrada murugada leh ee dadku ku nool yihiin saboolnimo iyagoo fadhiyo hodantinimo ay hadda noqon doonto taariikh la soo afjaro. Waxa uu intaa ku daray in nabadda, ganacsiga kobcaya, shaqooyinka, iyo mashaariicda waaweyn ay ka beddelayaan khilaafkii shalay, xannibaaddii ganacsi, shaqo la’aanta baahsan, iyo takoorka.