Kulan ka dhacay magaalada Istanbul, Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kaga wadahadlay arrimo la xiriira difaaca iyo amniga, intii uu socday bandhigga warshadaha difaaca ee SAHA 2026, iyada oo wadahaladan yeesheen Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macalin Fiqi iyo dhiggiisa Yaşar Güler.
Mas’uuliyiinta labada dal ayaa kulankooda kaga hadlay iskaashiga warshadaha difaaca iyo xiriirka amniga gobolka, xilli bandhigga SAHA Expo uu yahay mid ka mid ah munaasabadaha ugu waaweyn ee warshadaha difaaca Turkiga, isla markaana isu keenaya hoggaamiyeyaasha militariga iyo siyaasiyiinta si loogu soo bandhigo tiknoolajiyadda cusub iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca difaaca.
Sida ay sheegtay Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga, labada wasiir ayaa intii uu socday wadahadalkooda ku xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga istiraatiijiyadeed iyo xiriirka soo jireenka ah ee dhinaca difaaca ee u dhexeeya Muqdisho iyo Ankara.
Kulanka ayaa kusoo aaday xilli Turkiga uu bandhigga SAHA 2026 lagu soo bandhigay gantaalka cusub ee “Yildirimhan”, kaas oo lagu sheegay inuu yahay gantaal qaaradaha isaga kala goosha oo gaari kara masaafo dhan 6,000-km. Gantaalkan ayaa waxaa soo saartay Wasaaradda Difaaca Turkiga, kaasi oo qeyb ka ah bandhigga carwadda SAHA oo diiradda lagu saarayo tiknoolajiyadda difaaca iyo warshadaha militari.
Bandhigga SAHA 2026 ayaa sanadkan la filayaa inuu yeesho saameyn weyn oo caalami ah, iyadoo in ka badan 140 wafdi oo rasmi ah iyo kun xubnood oo wakiillo dhinaca ganacsiga ah ay ka qeyb geli doonaan.
Sidoo kale, bandhigga waxaa kasoo qeyb geli doona in ka badan 25 wasiir oo arrimo dibadeed ah iyo saraakiil ciidan oo heer sare ah oo ka kala socda dalal badan. Barnaamijka SAHA 2026 ayaa ka koobnaan doona dood-cilmiyeedyo, kulamo ku saabsan hawada sare iyo khudbado looga hadlayo mustaqbalka tiknoolajiyadda difaaca iyo amniga caalamiga ah.
Bandhigga ayaa sidoo kale diiradda saari doona maalgashiga iyo tiknoolajiyadda hawada sare, iyadoo ay ka qeyb geli doonaan hay’ado maaliyadeed, maal-gashadeyaal caalami ah iyo shirkado hoos taga barnaamijyada maalgelinta iqtiraacyada NATO, kuwaas oo taageeraya hal-abuurka iyo horumarinta tiknoolajiyadda cusub.
HBN ONLINE TV

