Ku dhawaad 70 qof oo lagu dilay weerar lagu qaaday Isbitaal ku yaal dalka Suudaan

Ugu yaraan 67 qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday mid ka mid ah isbitaallada ku yaala magaalada Ceel Fasher ee gobolka Darfur ee dalka Suudaan, sida ay maanta ku warbixiyeen dhaqdhaqaaqayaasha maxalliga ah.

Kooxda Isuduwidda Guddiyada Iska caabbinta ee Ceel Fasher ayaa dib u eegis ku sameeyay tirakoob hore oo sheegayay in 30 qof la dilay, taas oo la xaqiijiyay ilo caafimaad oo ka yimid Isbitaalka Sucuudiga ee la duqeeyay Jimcihii, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee “AFP”.

Lama oga cida weerarkan qaaday ee ka mid ah dhinacyada dagaalka Suudaan ku lugta leh.
Tan iyo bishii Abriil 2023, ciidanka Suudaan ayaa dagaal kula jiray xoogagga Gurmadka Degdegga ah ee loo yaqaan RSF, kuwaas oo qabsaday inta badan gobolka Darfur.
Xoogagga Gurmadka Degdegga ah ee RSF ayaa tan iyo bishii May go’doomiyay magaalada Ceel Fasher balse awoodi waayay inay qabsadaan magaalada, halkaas oo kooxo hubeysan oo xulafo la ah ciidamada ay kula dagaallamayaan.

Sida laga soo xigtay ilo caafimaad, xoogagga Gurmadka Degdegga ah ayaa bartilmaameedsaday isla dhismahaas toddobaadyo ka hor.
Qeybta caafimaadka ee Ceel Fasher ayaa marar badan la kulantay weeraro, waxayna hay’adda caafimaadka ee MSF warbixin ay soo saartay bishan ku sheegtay in Isbitaalka Sucuudiga uu yahay “isbitaalka kaliya ee dadweynaha ah ee lagu sameyn karo qalliin oo weli shaqeynaya”.

Sida ay sheegayaan tirakoobyada rasmiga ah, ilaa 80% xarumaha caafimaadka ee dalka oo dhan ayaan shaqeynayn.
Dagaalka illaa hadda wuxuu sababay dhimashada tobannaan kun oo qof, barakaca in ka badan 12 milyan, iyo malaayiin kale oo u dhow macluul.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed