Dawlada Soomaaliya oo aragtida gooni goosadka ku dartay Khataraha amniga qaranka

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii khamiislaha ahay, kaasoo oo uu shir guddoomiyayay Ra’iisal Wasaaraaha xukuumadda Xamsa Cabdi Barre waxana laga soo saaray qodobo xasaasi ah, isla markaana la meel mariyay.

Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada ayaa lagu ansixiyay Qaraar ku saabsan Khataraha Amniga Qaranka, oo uu warbixin guud oo qiimeyn ah uu ka diyaariyay Xafiiska Amniga Qaranka Soomaaliya, sida lagu sheegay warsaxafadeedka ka soo baxay kulanka.

Iyada oo laga duulayo aragtida cusub ee dowladda Soomaaliyeed ee ku saleysan Amniga Qaran, si looga gaashaanto khataraha waaweyn ee halista galin kara jiritaanka, dowladnimada, midnimida dalka iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed, ayaa goluhu waxa uu soo saaray, isla markaana ansixiyay qaraar ka kooban 8 qodob oo qeexaya Khataraha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo kala ah:

1. Argagixisada;
2. Aragtida Gooni-goosadka;
3. Dowlad-nugeylka;
4. Xuduudaha Beylahda;
5. Faragelinta Shisheeye;
6. Isbeddelka Cimilada;
7. Khatarta Tiknoolajiyadda;
8. Khataraha Bulshada;

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale, ayaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan munaasabadaha dabaaldegga maalmaha Xorriyadda, waxa looga dhageystay Guddiga qabanqaabada oo soo bandhigay sida ay u qabsoontay munaasabaddii 26-ka Juun iyo diyaar garowga 1-da Luuliyo.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno ku saabsan howlgalladii u danbeeyey ee xasillinta dalka iyo ciribtirta Al shabaab waxa uu ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed