Ugu yaraan 50 qof ayaa dhaawacmay isniintii waxa ay saraakiishu ku tilmaameen “shil weyn” oo ka dhacay diyaarad laga leeyahay dalka Chile oo ka soo duushay Sydney kuna sii jeeday magaalada Auckland ee dalka New Zealand.
Shirkadda diyaaradaha ee LATAM ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay jirto “dhacdo farsamo intii ay ku jirtay duulimaadka taas oo keentay dhaq-dhaqaaq xooggan.” Ma aysan faahfaahin waxa dhacay.
Rakaabka ayaa la kulmay dhaqaatiir caafimaad iyo in ka badan 10 ambalaas markii ay diyaaraddu ku burburtay Auckland.
Ku dhawaad 50-ruux ayaa lagu daweeyay goobta, kuwaasi oo u badnaa dhaawacyo fudud, waxaana 13 ka mid ah dadkaasi loo qaaday isbitaal, sida uu sheegay Afhayeenka Ambalaasta. Hal bukaan ayaa la rumeysan yahay inuu ku jiro xaalad halis ah.
Diyaaradan oo nooceedu ahaa Boeing 787-9 Dreamliner ayaa ku soo degtay garoonka diyaaradaha ee Auckland Airport sidii loo qorsheeyay waxaana lagu waday in ay aado magaalada Santiago ee dalka Chile.
HBN NEWS DESK