Dad u badan hal qoys oo ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay gobolka Soomaalida iyo dhacdo kale oo ka dhex dhalatay

Ugu yaraan 13 qof, oo 12 ka mid ah ay ka soo wada jeedeen hal qoys, ayaa ku geeriyooday shil gaari oo saaka ka dhacay deegaanka Guuyoow ee degmada Qabri-bayax, Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Shilka ayaa dhacay kadib markii ay isku dhaceen gaari qaad siday iyo mooto bajaaj. Waxa kale oo jira dad badan oo dhaawacyo culus soo gaaray, iyadoo wararka laga helayo goobta ay sheegayaan in tirada khasaaraha ay sii kordhi karto, maadaama qaar ka mid ah dhaawacyadu ay halis yihiin.

Dadkii ku dhintay shilka ayaa galinkii dambe ee maanta aas loogu sameeyay magaalada Qabri-bayax, Hase yeeshee, murugada ayaa sii laba jibbaartay kadib markii dhacdo kale ay ka dhacday goobtii aaska.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in hog ama god xabaal wadareed loo qodayay dadka geeriyooday uu kusoo dumay dadkii howsha ku jiray, taasi oo sababtay dhimashada ugu yaraan 3qof iyo dhaawaca ku dhawaad 10 kale.

Mas’uuliyiinta iyo shacabka deegaanka ayaa weli wada baadi-goob lagu raadinayo dad lagu la’yahay burburka godka hoostiisa, iyadoo howlaha gurmadka iyo qodista ay si joogto ah u socdaan.

Ma jiro weli war rasmi ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta deegaanka oo ku saabsan tirada kama dambaysta ah ee khasaaraha ka dhashay labada dhacdo.

Madaxweynaha gobolka Soomaalida Mustafa Muxumad Cumar Cagjar oo gaaray ayaa tacsi ka diray dhacdan dadka badan ku geeriyoodeen.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed