“Somaliland ma ka qeyb noqon kartaa la dagaallanka Xuutiyiinta ee Badda Cas iyo ka hortagga saameynta Iiraan ee gobolka?”

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in Israa’iil ay ahayd ciddda keliya ee ka jawaabtay codsigoodi aqoonsiga raadiska, halka uu shaaca ka qaaday in uusan meesha ka saari karin in mustaqbalka Israa’iil ay saldhig ciidan ku yeelato Somaliland.

Wareysi uu siiyey warbaahinta i24 ee Israa’iil laga leeyahay Cirro ayaa lagu waydiiyey “Israa’iil kadib, yaa xiga oo aqoonsan doona Somaliland?”, wuxuuna sheegay inay jiraan dalal badan oo liiska ku jira.

“Waxaa jira dalal badan oo liiskayaga ku jira, laakiin sababo badan awgood hadda ma shaacin Karno” ayuu yiri Cirro, balse waxaa la sii waydiiyey Goorma ayay taasi dhici kartaa?, wuxuuna yiri markale “Dhawaan ayay noqon kartaa”.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay inay jiraan xiriirro diblomaasiyadeed oo furan oo ay Somaliland la leedahay Mareykanka, Itoobiya, Imaaraadka Carabta iyo Kenya, wuxuuna rajo ka muujiyay in aqoonsiyo kale ay iman karaan waqti dhow.

Mar wax laga waydiiyey waxyaabaha ku kallifay in safaarad ka furtaan Qudus, iyada oo ah dad Muslim ah iyo in ay welwel ka qabaan in falcelin ugu timaada dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka ayuu ku jawaabay “Maya, wax walaac ah kama qabno. Waa go’aan aan gaarnay, waana ku taagnaan doonnaa. Sababta ayaa ah in Israa’iil ahayd dalkii ugu horreeyay ee na aqoonsada, safaaraduhuna waxay ka furmaan caasimadaha dalalka is aqoonsaday”.

Cirro ayaa ku dooday in 17-kii May 2025 waraaqo u diray Soomaaliya iyo 192 dal oo kale, balse Israa’iil ay ahayd meesha keliya ee ka jawaabtay codsigiisa.

Dhanka kale, wuxuu qiray in dhibaatooyin safar ay la kulmeen dad badan oo Israa’iil ah si ay u booqday Somaliland, Sababa la adeegga E-visa ee dowladda Soomaaliya soo saartay.

“Waan qirayaa inay jiraan caqabado la xiriira fiisooyinka sababtoo ah nidaamka Soomaaliya, balse arrintaas waan ku hawlan nahay sidii loo xallin lahaa. Waxaan rajaynaynaa inaan xal la gaarno annagoo la kaashanayna saaxiibbadeen iyo hay’adaha caalamiga ah ee qaabilsan duulista.” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Su’aal xasaasi ah oo laga waydiiyey arinta Xuutiyiinta Yemen oo ah in Somaliland isu aragto inay qeyb ka noqon karto la dagaallanka Xuutiyiinta ee Badda Cas iyo ka hortagga saameynta Iiraan ee gobolka ayuu yiri ku jawabay “Somaliland cidna ma weerarto, cidna cadaw uma aha. Hase yeeshee waxay xaq u leedahay inay is difaacdo iyadoo adeegsanaysa awood kasta oo ay leedahay”, balse waxaa la sii waydiiyey difaaca marin-biyoodkan caalamiga ah iyo doorka ay ku yeellan karaan “Waxaan leenahay ciidanka ilaalada xeebaha, waxaanan saaxiibbadeenna ka raadineynaa taageero si aan u kordhinno awoodda iyo tayada ciidanka ilaalada xeebaha”.

Markii la weydiiyay suuragalnimada saldhig ciidan oo Israa’iil ku yeelato Somaliland, Madaxweyne Cirro wuxuu ku jawaabay in arrintaasi aysan jirin waqtigan, balse “uusan mustaqbalka meesha ka saari Karin”.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa intaas ku daray in labada dhinac ay ka shaqeynayaan sidii loo bilaabi lahaa duulimaadyo toos ah oo u dhexeeya Hargeysa iyo Israa’iil, isla markaana loo xallin lahaa caqabadaha dhanka fiisooyinka.

Isagoo ka hadlayay Dekedda Berbera, Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay inay tahay deked istaraatiiji ah oo sii kordheysa muhiimaddeeda, maadaama ay albaab u tahay Itoobiya iyo dalal badan oo Afrika ah.

Gabagabadii, Cirro oo farriin u dirayey dalalka aan weli aqoonsan Somaliland, ayaa yiri “Fadlan nagu soo biira ka hor inta ay goori goor noqon. Cidda ugu horreysa ee nala shaqeysa waxay heli doontaa fursadaha iyo iskaashiga ugu wanaagsan.”

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed