Ururka Caafimaadka ee Suudaan ayaa shaaciyay in dad ka badan 200 oo qof dil iyo darxumo ay ugu dhinteen gobolka ee Jazira ee dalka Suudaan, iyadoo dhibaatooyinkan ay ka dambeeyaan ciidamada RSF ee dagaalka kula jira ciidamada dawlada Suudaan.
Weeraradan u dambeeyay ayaa ka dhacay Al-Hilaliya, oo ku taal bariga gobolka dhexe ee Jazira, waxaana bayaan ka soo baxay ururka caafimaadka ee Sudan lagu sheegay “Weerarrada taageerada Ciidamada Gurmadka degdega ah ee loo yaqaan RSF ee ka dhanka ah dadka rayidka ah ee ku nool magaalooyinka iyo tuulooyinka ayaa sii socda, iyadoo ay soo baxayaan warar murugo leh oo ka imanaya magaalada Hilaliyah.”
“Laga soo bilaabo markii ciidamada RSF ay qabsadeen magaalada, in ka badan 200 oo qof ayaa dhintay, kuwaas oo in ka badan 20 ka mid ah dadkaasi la toogtay, qaar kalena waxay u dhinteen cudur, gaajo, haraad iyo jirdil.”
Tan iyo 25-kii Oktoobar, RSF waxay weerareysay al-Hilaliyah, magaalada ugu weyn dhanka bari ee gobolka Jazira, iyagoo xir xiray tobanaan kun oo dad ah oo deggan halkaasi, sida ay sheegeen ururada bulshada rayidka iyo dadka u dhaqdhaqaaqa gobolka.
Bayaan ka soo baxay Ururka Dhakhaatiirta ayaa tilmaamay “jiritaanka xaalado cudurrada faafa iyo sumeynta kiimikada ah iyada oo aan la helin waxyaabaha aasaasiga ah ee daryeelka caafimaadka.”
Tani waxay imaaneysaa iyadoo ay sare u kaceen eedeymaha ka imaanaya gudaha ee ka dhan ah Ciidamada Gurmadka Degdega ah ee RSF inay dilal iyo xadgudubyo ballaaran u geysteen dad rayid ah oo ku sugan gobolka Jazira, iyada oo aysan jirin wax faallo ah oo ka timid ciidamadan dagaalka kula jira militariga Suudaan.
Sidoo kale RSF wax faallo ah kama aysan bixin bayaanka Ururka Caafimaadka Suudaan.
HBN Online TV