Dawlada Morocco oo laga codsaday badbaada 6 nin Soomaaliya dil ku xukuntay

Ururada aan dowliga ahayn ee ka jira dalka Morocco ayaa ugu baaqay dowladooda inay soo faragaliso oo ay ka hortagto xukun dil ah oo maxkamad ku taal Soomaaliya ay ku riday lix muwaadin oo dalkaasi u dhashay.

War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen lix urur oo ka dhisan dalka Morocco ayaa waxay ku sheegeen inay ka war heleen xukun ay maxkamad ciidan oo ku taal Gobollada Puntland ee Soomaaliya ay xukun dil ah ku dirday 2-dii bishan March, lix qof oo u dhashay dalka Morocco kuwaasi oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Daacish.

Mid ka mid ah dadka Morocco-kaanka ah ee la xukumay ayaa sheegay in shaqo doon ay ahaayeen isla markaana aysan ogayn shaqada loo qortay iyo ujeedada ka dambeysay.

Qareenkooda ayaa xaqiijiyay in lixdaasi nin ay doonayaan inay dib ugu laabtaan Morocco, wuxuuna sheegay inay marin habaabiyeen kooxda xagjirka ah.

Ururada Moroccan, oo ay ku jiraan Isbahaysiga Morocco ee ka soo horjeeda ciqaabta dilka (CMCPM), Ururka Cadaalada ee Maxkamada Cadaalada iyo Shabakadda Qareenada ee ka soo horjeeda Ciqaabta Dilka, ayaa cambaareeyay xukunka dilka ah ee lagu soo rogay lixda qof ee u dhashay Morocco, xittaa haddii ay dhacdo dembiyada ugu waaweyn.

Waxay ugu baaqeen mas’uuliyiinta Morocco inay qaadaan tillaabooyin degdeg ah oo lagu badbaadinayo nolosha muwaadiniintooda, dibna loogu celinayo dalkooda.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed