Yemen & Soomaaliya oo ka wadahadlay amniga Badda Cas iyo ka hortagga Burcad Badeeda

Kulan magaalada ee dalka Qatar ku dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Yemen Afrah Al-Zouba & Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa la soo wariyey in looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimaha amniga gobolka, si gaar ah kan baddaha.

Wadahadallada ayaa wasaaradda arriamaha diiradda Yemen oo ka hadashay sheegtay laga saaray sidii loo horumarin lahaa iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale, ganacsi iyo horumarineed ee Soomaaliya iyo Yemen, iyadoo sidoo kale laga arrinsaday xaaladaha ka taagan gobolka iyo arrimaha ay labada dhinac daneynayaan.

Wasiir Afrah ayaa dhankeeda sheegtay in Yemen ay adkaysay xiriirka taariikhiga ah ee dalkeeda kala dhaxaya Soomaaliya, iyadoo sheegtay in labada shacab ay leeyihiin xiriirro bulsho iyo ganacsi oo soo jireen ah. Waxay sidoo kale mar kale ay caddeysay taageerada Yemen ee midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, waxaana la isku raacay muhiimadda ay leedahay in dalalka ku teedsan biyahaasi ay xoojiyaan iskaashigooda si loo ilaaliyo badqabka maraakiibta iyo isu-socodka badda, loogana hortago waxa loogu yeero argagixisada, tahriibka iyo burcad-badeedda.

Ugu dambeyn, labada dowladood ayaa isku raacay in la joogteeyo wada-xiriirka iyo isku-dubbaridka wasaaradaha arrimaha dibadda, lana kordhiyo booqashooyinka iyo is-dhaafsiga khibradaha, si loo sii xoojiyo xiriirka Soomaaliya iyo Yemen, loona ballaariyo iskaashiga labada dal.

HBN ONILNE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed