Yaa uga qaybgalaya Soomaaliya Shirka Golaha Guud ee QM ee New York?

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa la filayaa in toddobaadkan ay kaga qaybgalaan magaalada New York fadhiga Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, halkaasi oo ay isagu tagayaan madaxda caalamka iyada oo Soomaaliya soo bandhigi doonta doorkeeda gobolka iyo xaaladda dalka uu ku suganyahay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Ra’iisala wasaare Xamsa ka qayb galka kulanka ay ku wehlin doonaan Wasiirka Arimaha Dibadda, Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Deegaanka Khaadiijo Al Makhsuumi iyo Safiirka Soomaaliya ee QM Abuukar Cismaan Baale iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda.

Halku dhegga sanadkan ee Kalfadhiga Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay sanadkan ayaa ku saabsan in aan “Cidna laga tagin” oo si wadajir ah caalamku uga wada shaqeeyo horumarinta nabadda xaqiijinta horumar waara iyo ilaalinta sharafta bini’aadamka jiilalka maanta iyo kuwa mustaqbalka.

Soomaaliya ka hadli doonta doorka muhiimka ah ee qaaradda Afrika ee dejinta ajendayaasha caalamiga, iyada oo si gaar ah xoogga loo saari doono ahmiyadda midnimada iyo kala duwanaanshaha oo aasaas u ah helitaanka nabad iyo horumar waara.

Soomaaliya ayaa sida oo kale wada olole balaaran oo xulufo ay kaga raadineyso caalamka, ka dib siyaasadda adag oo Itoobiya ay ku wajahday.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed