Yaa iska leh hubka saaran markabka lagu qabtay xeebaha Puntland?

Waxaa isa soo taraya warar kala duwan oo ku saabsan markab hub sida oo lagu qabtay xeebaha gobolka Bari ee Puntland ee Soomaaliya, taasoo keentay doodo adag oo la xiriira cidda iska leh markabka iyo cida loogu talo galay qalabka milatari ee saarnaa.

Markabkan oo lagu magacaabo Sea World, ayaa ku gooshayay calanka Jasiiradaha Comoros. Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo maxalli ah, wuxuu siday hub casri ah oo ay ka mid yihiin gaadiidka gaashaaman (APCs) kuwaasi oo tiradoodu lagu sheegay 36, qoryaha lidka diyaaradaha, iyo agab kale oo ciidan.

Goobta iyo Xilliga uu ka Baxay

Xogta laga helay raadraaca maraakiibta (AIS tracking) ayaa muujinaysa in markabkan uu ka soo shiraacday dekedda Izmir ee dalka Turkiga 28-kii June 2025, iyadoo lagu waday in uu gaaro dekedda Muqdisho 21-ka July 2025.

Qaabka Loo Qabtay

Wararka la helayo ayaa is khilaafsan. Qaar ka mid ah ilo-wareedyada ayaa sheegaya in markabku ay soo wajahday cilad farsamo taasoo ku qasbtay inuu ku soo xirmo xeebta degmada Bareeda ee gobolka Bari, halkaas oo uu ku sugnaa muddo laba maalmood ah. Kaluumaysato deegaanka ah ayaa la sheegay inay arkeen markabka ayna ku wargeliyeen ciidamada Puntland, kuwaasoo markii dambe fuulay markabka isla markaana arkay qalabka ciidan ee markabka saaran.

Warar kale ayaa sheegaya in markabku si caadi ah u socdaalayay oo uu marayay agagaarka magaalada Bareeda, ka hor intii aanay ciidamada Puntland qaban.
Laakiin Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa farriiin kooban oo qoraal ah oo uu soo bandhigay baraha bulshada wuxuu ku yiri “Markab hub sida oo dabaylaha badda ka dhacaya kaga soo gabaday xeebta Bareeda ee Puntland ayaa ciidanka amaanka Puntland qabteen amaankiisa ayaa la sugayaa, waana la baarayaa wixii ka soo kordha waanu la wadaagidoonaa saxaafada”.

Milkiyadda Markabka

Markabkan oo la dhisay sannadkii 2005, ayaa wata calanka Comoros, balse weli si rasmi ah looma hayo xog muujinaysa shirkadda ama dalka iska leh. Waxaa la tilmaamayaa in macluumaadka milkiyadda si ula kac ah loo qariyay, taasoo inta badan dhacda marka laga faa’iideysanayo nidaamka loo yaqaan asturnaanta mulkiyadda. Dhererka markabkan waa 79.99 mitir, halka balaciisuna yahay 13.6 mitir, sida ku cad xogaha teknikalka ee la helay.

Cidda Iska Leh Hubka

Waxaa jira warar sheegaya in hubka saaran markabka uu qayb ka yahay taageerada uu Turkigu siiyo ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, loona waday Muqdisho, halka warar kale ay sheegayaan in hubkan uu la xiriiro ciidamada Turkiga ee dhawaan la geeyay Soomaaliya. Dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya weli si cad ugama aysan hadlin arrintan.

Mas’uul sare oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo codsaday in aan magaciisa la xusin, ayaa u sheegay HBN Online TV in hubkan Turkiga leeyahay, islamarkaana markabka dhowaan la fasixi doono. Wuxuu sidoo kale sheegay in markabka la geyn doono Boosaaso.
Dhanka kale, mas’uul ka tirsan maamulka Puntland oo sidoo kale codsaday inaan magaciisa la xusin, ayaa sheegay in markabka wato calanka Soomaaliya, balse laga leeyahay Turkiga, ayna Puntland qorsheynayso in la geyso dekedda Boosaaso si loo baaro cida iska leh hubka iyo ujeedada safarkiisa.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi oo su’aal laga waydiiyay hubkan wuxuu diiday inuu ka hadlo. Sawirro iyo muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya gaadiid ciidan oo saaran markabka, qaar ka mid ahna ay leeyihiin calaamado muujinaya inay yihiin agab ciidan oo laga keenay Turkiga.

Hubka Markabka Lagala Degay

Ilo-wareedyo xog ogaal ah ayaa HBN Online TV u sheegay in qaar ka mid ah hubkii fudud ee saarnaa markabka gaar ahaan qoryaha darandooriga u dhaca lagala degay markabka. Hubkaasi oo cadadkiisu lagu sheegay Ilaa 12 qori oo BKM, baasasuukayaal iyo tobaneeyo AK 47 ah.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegay in qaar ka mid ah hubkaasi uu gacanta u galay dad shacab ah. Xeeldheerayaal dhanka amniga ah ayaa sheegay in shaki la galin karo ujeeddada rasmiga ah ee markabkan, maadaama aysan jirin wax bayaan cad ah oo ka soo baxay labada dawladood ee Turkiga iyo Soomaaliya.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed