Xulka qaranka Soomaaliya ayaa caawa ka haray isreeb-reebka Koobka ciyaaraha Carabta FIFA Qatar 2025, kadib markii ay ciyaar adag la yeesheen dhiggooda Cumaan. Kulankan oo ka dhacay garoonka Cabdullaah Bin Khalifa ee Doha ayaa ahaa mid go’aaminayay kooxda u gudbeysa wareegga labaad ee tartanka.
Soomaaliya ayaa soo bandhigtay ciyaar heer sare ah, iyadoo xulku muujiyay isku xirnaan iyo difaac adag oo keenay in 90-ka daqiiqo aysan shabaqooda laga dhalin wax gool ah. Si kastaba, natiijadu waxay ku dhamaatay rigooro, waxaana Soomaaliya ku hartay 4–1, taas oo keentay in Cumaan ay u gudubto wareegga xiga.
Kahor ciyaarta, Tababaraha Soomaaliya, Yuusuf Cali ayaa muujiyay rajo wanaagsan isagoo sheegay in xulka uu ka faa’iideystay khibradda ciyaarihii tijaabada iyo tartamada Afrika. Wuxuu tilmaamay in hadafku ahaa in la soo bandhigo ciyaar geesinnimo leh oo farxad gelisa shacabka Soomaaliyeed.
Dhankiisa, tababaraha Cumaan, Carlos Queiroz, ayaa sheegay in kooxdiisu si buuxda u diyaarsaneyd islamarkaana ay ku talo galeen inay si adag ugu gudbaan wareegga kooxaha, taas oo ay ku xaqiijiyeen guusha ay kaga adkaadeen Soomaaliya.
Hbn Online Tv

