Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo maanta kormeer ku tagay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa si caro iyo digniin adag leh uga hadlay caqabadaha iyo nadaafadda liidata ee ka taagan garoonka, kaddib cabashooyin xooggan oo shacabka kasoo yeeray.
Kormeerkan ayaa waxaa ku wehliyay masuuliyiinta garoonka, waxaana RW Xamse si cad u sheegay in cabashooyinka shacabka aan la iska indho tiri karin, isla markaana loo baahan yahay in sida ugu dhaqsaha badan wax looga qabto adeegyada muhiimka u ah bulshada.
Wuxuu ku wargeliyay masuuliyiinta garoonka in uu dib ugu soo laaban doono laba toddobaad gudahood si uu u hubiyo isbeddelka dhabta ah ee lagu sameeyo, gaar ahaan mashiinnada iyo nadaafadda guud.
“Waxay Shacabku sheegayeenaa meesha ka muuqata iyo wax kasii liitaa weliba. Maareeyaha, Wasiirka iyo dadka loo igmaday arrimahan sababta ay u joogaan garan maayo haddii aan intan la saxin,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu ku daray: “Haddii aan isbeddel muuqda la sameyn, tallaabo degdeg ah ayaan ka qaadi doonaa.”
Go’aankan ayaa kusoo beegmaya iyadoo muddooyinkii dambe shacabka ku safra garoonka Aadan Cadde ay si weyn uga cabanayeen nadaafadda iyo caqabadaha adeegyada gudaha garoonka.
HBN ONLINE TV