Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa sheegay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan awoodin in ay tagaan Muqdisho ay hadda fursad u heli doonaan in ay Kaarka Aqoonsiga Qaranka ka helaan magaalada Laascaanood ee xarunta SSC-Khaatumo.
Wasiir Xoosh oo hadalka ka jeediyay munaasabad lagu daah-furayey furayay xafiiska aqoonsiga dadweynaha ee National ID ee magaalada Laascaanood ayaa tilmaamay in ay jiraan muwaadiniin Soomaaliyeed oo xaquuqdooda ku waayay dano siyaasadeed, iyadoo arrintaas uu ku eedeeyay dad gaar ah oo siyaasadda u adeegsaday in ay ka hor istaageen muwaadiniinta xaquuqda dastuuriga ah, inkasta oo uusan si cad u magacaabin cidda ka dambeysay.
“Dadka sida xun xukunka u doonaya ayaa qofka xaquuqduu lahaa meelo badan ka hor istaagay. Dhamaan Laasacanood baa laga sameeyey. Waxyaaba badan oo baahida aas-aasiga ah ayaa Laasacaanod laga hirgaliyey oo ID-ga iyo Shahaadaada ugu muhiimsan yihiin” ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh.
Wuxuu sidoo kale xusay in xaruntan ay qeyb ka tahay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu doonayo in adeegyada dowladda lagu gaarsiiyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, si gaar ahna loogu xaqiijiyo helitaanka aqoonsiga rasmiga ah ee qaranka.
Furitaanka xafiiskan ayaa lagu tilmaamay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xaqiijinta muwaadinnimada iyo isku duubnida shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan gobollada ay horey ugu adkeyd in la helo adeegyada dowladda dhexe.
HBN ONLINE TV