Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka falcelisay warsaxaafadeed ay maanta soo saareen madasha samatabixinta oo ay ku midaysanyihiin mucaaradka dowladda, oo dhaliilay habka loo wado gogosha uu ku baaqay madaxweyne Xasan Sheekh.
Falcelinta fariinta mucaaradka oo Facebook ay ku faafiyeen Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Dekadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku sheegeen in mucaaradka ay diidan yihiin sida ay hadalka u dhigeen in horay loo dhaqaaqo.
Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku yiri, “Mar waxay leeyihiin madaxweynihii albaabada ayuu naga xirtay oo cidna la hadli maayo, markii gogol wadahadal loo fidiyayna waa diidan yihiin.”
Sidoo kale Fiqi ayaa qoraalkiisa intaasi ku sii daray “Dalka dibadiisa ayay ku wada ciideen, oo Midkoodna dalka kuma ciidin halkaas ayayna warsaxaafadeed ka soo saarayaan.”
Wasiirka Difaaca ayaa mucaaradka ku eedeeyay in ay isku ciriirinayaan sida uu hadalka u dhigay xafiisyada Beesha Caalamka, “Xafiisyada ajnabiga waa isku ciriirinayaan, waana ku hor cabaadayaan marka madaxdii dalku ay casuuntana waa ka madax adaygayaan” ayuu yiri markale.
Dhankiisa, Wasiirka Dekadaha Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa dhankiisa mucaaradka ku eedeeyay in ay wataan ajande shisheeye, “Horeyna aadi meyno, halkaana joogi meyno ahaa warka mucaaradka, horey waxaan u sheegey ajanduhu ajende Soomaali inuusan ahayn.”
Fiqi iyo Jaamac ayaa ah labada Wasiir ee badi lagu arka barasha bulshada iyaga oo difaacaya aragtida dowladda uu hoggaamiyaha Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadda wada olole ay ku doonayso qabashada doorasho dadweyne.
HBN ONLINE TV