Xukuumadda Soomaaliya oo Hay’adda dowladda dhexe fartay in la dhaqan-galiyo dastuurka cusub ee la ansixiyey

Ra’iisal Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo soo saaray amar fulieen ayaa faray inay dhaqan galiso xukuumaddiisa Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii ay ansixiyeen labada Aqal ee Baarlamaanka.

Xamsa oo bogaadin gaar ah u diray mudanayaasha labada aqal ayaa sheegay in maanta laga bilaabo uu dhammaystiray dastuurka. Dhaqan-gelinta dastuurka cusub ayaa lagu tilmaamay mid xoojinaysa dowlad-dhiska, dimuqraadiyadda iyo nidaamka ku dhisan sharci iyo isla xisaabtan.

“Maanta laga bilaabo dastuurkii waa dhammaystirmay, dowladnimadeennana wixii hadda ka dambeeya waxa ay noqotay mid ku taagan asaas sharci oo adag, oo aan ku-meel-gaar ahayn” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Xamsa.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed