Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in maanta la sii daayey kornayl Xasan Aadan Maxamed oo ku magac dheer Ciraaqi oo ka tirsan milateriga Soomaaliya oo muddo ku xirnaa halkaa.
War ay baahisay Idaacada BBC ayaa lagu sheegay in Kornaylka la sii daayey maanta abaarihii duhurnimadii, markaasoo laga soo ambabixiyey magaalada Hargeysa oo uu ku xirnaa tan iyo Arbacadii.
Ilo kala jooga Wajaale oo ah xuduuddii laga talaabiyey iyo Jigjiga oo uu galabnimadii gaaray ayaa xaqiijiyeeyn in uu bedqabo korneelku. Sidoo kale waxaa sii deyntiisa xaqiijiyey xubno ka tirsan booliska Somaliland oo codsaday in aan magacooda la sheegin.
Kornayl Ciraaqi ayaa laga qabtay 24 September magaalada Wajaale, ayadoo tan iyo wakhtigaa lagu hayey Magaalada Hargaysa, lamana oga sababta ka dambaysay xarigiisa.
HBN ONLINE TV