War ka soo baxay Laamaha ammaanka Puntland ayaa lagu sheegay in Labo xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish maanta ay isku soo dhiibeen ciidamada maamulkaasi ee ku sugan deegaanka Balidhidhin ee gobolka Bari.
Maamulka ayaa sheegay in wareysi kooban laga qaada labadan xubnood oo watay hubkii iyo tuutaha ciidanka milatariga, waxana ay sheegeen in loo tababaray la dagaalanka Al-Shabaab sanadihii ay ka tirsanaayeen.
Warka ayaa sidoo kale lagu xusay in intii uu wareysiga socday ay dagaalyahanadan oo aan magacyadooda la shaacin ay carabka ku dhufteen in dhowr jeer ay isku dayeen in ay ka baxsadaan Daacish balse ay sugayaan waqtiga ku haboon ee ay isku soo dhiibi karaan ciidamada Puntland.
“Muddo saddex bilood ah ayaan waddada ku jirnay, waana ku faraxsanahay sida ay noo soo dhaweeyeen ciidamada Puntland oo aan u ballan-qaadnay inaan la shaqeyn doono,” ayay yiraahdeen xubnaha isa soo dhiibay.
Daacish iyo Al-Shabaab ayaa sanadadii lasoo dhaafay ku dagaalamayey gacan ku heynta deegaano ka mid ah gobolka Bari gaar ahaan dhulka buuralayda ah, iyada oo dagaalo badan ay ka dhaceen buuraha Cali Miskaad, sida Bishii April, Daacish ay ku sheegtay in ay 50 ka tirsan Al-Shabaab ku dileen dagaal ka dhacay Buuraleyda Cali Miskaad, iyaga oo sheegay inay Al-Shabaab ka qabsadeen dhul hor leh, balse macada warkaasi.
Kooxda Daacish ama ISIS, oo la og yahay in ay ka howlgasho buuraleyda Soomaaliya ee gobolka Bari, ayaa sheegatay mas’uuliyadda weeraro dhowr ah oo ka dhacay gobolka Geeska Afrika.
HBN ONLINE TV

