Hawlgal ay wadajir u fuliyeen Ciidanka Xoogga Soomaaliya iyo Ciidamada Cirka ee Mareykanka, kana dhacay deegaanka Beerxaani oo qiyaastii 35-km waqooyi galbeed ka xiga magaalada Kismaayo ayaa la sheegay in lagu dilay xubno badan oo Alshabaab ah.
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in howlagalkan lagu burburiyay koox is soo abaabulaysay oo damacsanaa sida hadalka loo dhigay inay soo qaadaan weerar qorsheysan ayaa looga hortagay, iyada oo la fashiliyey.
Ku dhawaad 10 xubnood oo ka tirsan Alshabaab ayaa warbaahinta dowladda Soomaaliya sheegtay in lagu dilay howlgalkan, iyada oo aan wax khasaare ah ka soo gaarin sida hadalka loo dhigay dadka rayidka ah.
“Xogta khasaaraha horudhaca ah ee gaaray cadowga inta la xaqiijiyay ayaa gaaraysa ilaa 10 dhimasho ah, mana jirin wax khasaare ah oo soo gaaray rayidka” ayey tiri warbaahinta dowladda.
Howlgal ka dhacay todobaadkii hore gobolka Jubbada Hoose ayaa dowladda Soomaaliya ku sheegtay in lagu burburiyey ilaa seddex fariisin oo Alshabaab ah, inkasta oo aan wax khasaare soo saaray kooxda lagu cadeyn.
HBN ONLINE TV