Xubno ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka oo dhaliil xooggan u jeediyay dawlada Soomaaliya

Xubno ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Dowladda Soomaaliya ayaa Muqdisho kulan dadweyne ku qabtay, iyaga oo dhaliil iyo eedeymo adag u jeediyay madaxweynaha dalka iyo Hay’adda Ammaanka. Waxay si gaar ah ugu eedeeyeen arrimo la xiriira xarigga dadka iyo ka-hortagga xuquuqda bulshada.

Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo ku mideysan madasha mucaaradka ee Samatabixinta Soomaaliya, ayaa fariimo isku mid ah jeediyay, Waxayna sheegeen inay aad uga xunyihiin talaabada dowladda qaaday oo ay tilmaameen in shacabka ay ku waddo sida hadalka u dhigeen barakicin iyo cabur, xilli shacabka ay ku jiraan duruuf adag.

Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed ayaa yiri“Nasiib-daradda maanta dhacday waxay tahay dadkii Soomaaliyeed ee u baahnaa kaalmada in la barakiciyo.”

Ra’iisal Wasaare hore Xasan Cali Khayre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa iyaguna ku eedeeyey madaxda dowladda inay wadaan arimo dadka si shaqsi ah loogu beegsado, taasoo ah mid aan la aqbali karin.

Dhanka kale, madasha siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si adag u cambaareysay xarigga ciidamada booliiska ay u gaysteen Nabaddoon caan ahaa iyo dhowr saxafiyiin, kuwaa oo ay ku sifeeyeen sida ay hadalka u dhigeen afduub. Waxay sheegeen in arrintan ay tahay mid sharci-darro ah, ayna ka tarjumayso caburin aan la aqbali karin.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed