Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka sheegtay inay fulisay xukun dil toogasho ah oo horey ay ugu riday Cabdi Cabdulqaadir Maxamed oo afgarasho u ahayd Xuseen iyo Farxaan Maxamuud C/nuur Aadan oo isna loo yaqaanay Xasan, kana mid ahaa kooxda Alshabaab.
Labada xukunsane ayaa lagu helay inay Muqdisho ku dileen 4 muwaadin, kaddib markii ay Maxkamadda Ciidamada ku caddeysay dambiyada loo haystay ee ahaa sida hadalka loo dhigay daadinta dhiigga muwaadiniinta Soomaaliyeed si bilaa micno darro ah, islamarkaana ay ku xukuntay dil toogasho ah.
Mr Xuseen oo 28 jir ahaa ayaa la sheegay in uu dilay marxuum Nadoon Xaaji Muuse Haaruun Aadan iyo Nuur Xuseen Calasow oo ka tirsanaa Booliska Soomaaliya, kaasi oo ka dhacay degmada Dayniile ee gobolka Bnaadir 5-ta bishii 2-aad 2024.
Farxaan Maxamuud oo 22 sano jir ahaa ayaa lagu helay inuu dilay Marxuumiinta kala ah Cali Cabdullaahi Liibaan oo mid aha ciidamada Asluubta, kana dhacay Ceelasha biyaha 18-dii bishii 2-aad 2024 iyo Xasan Cabdulqaadir Ibraahim oo isna ahaa askari ciidamada Xoogga dalka ah, kaasi oo 10 maalin kadib uu ku dilay degmada Garasbaalay 28-dii bishii 2-aad 2024, sida ay sheegtay madaxkamadda Ciidamada.
Fulinta xukunka ayaa saaka ka dhacday fagaaraha toogasho ee Muqdisho, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadda Ciidamada & saraakiil ciidan.
Maxkamadda ayaa sheegtay in xukunkan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xaqiijinayo caddaaladda iyo la dagaallanka falalka dilalka kooxda ee ka dhaca caasimadda iyo meelkasta oo dalka ah.
HBN ONLINE TV

