Xubno Alshabaab soo goostayaal ah oo isu soo dhiibay Ciidamada dowladda ee gobolka Baay

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay ku dhawaad shan xubnood oo ka tirsanaa Alshabaab, kuwaa oo isu soo dhiibay Ciidamada ammaanka magaalada Baydhbo ee gobolka Baay.

Kooxdan isoo dhiibay oo warbaahinta loo soo bandhigay oo la sheegay inay Alshabaab kala soo qeyb dagaallo, waxaana tiradoodu ay gaareysay 4 xubnood oo badi ahaa dhalinyaro aad da’doodu u hooseyso.

Xogta laga bixiyey ee dheeraadka ah ayaa lagu sheegay in Alshaabab ay kaga kala biireen gobollada Baay, Bakool iyo Jabooyinka.

“Xubnahan isi soo dhiibay waxa ay sheegeen in ay Khawaarijta uga biireen Gobolada Bay, Bakool iyo Jubooyinka, iyaga oo ka soo qeyb qaatay dagaal ay galiyeen argagixisadii ay ka soo baxayn” ayaa lagu warka dowladda.

Todobadyadii ugu dambeeyey waxaa ciidamada dowladda isu soo dhiibayey xubno badan oo ka mid ah Alshababa kuwaa oo sida la sheegay inay soo baneeyeen garabka kooxd, inkasta oo dowladdu sheegto dadkaasi loo diro meelaha dahqan-celinta ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed