Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkavyo ayaa ku soo waramaya in tiro Maxaabiis ka baxsaday Xabsi ay maamulaan Ciidamada maamulka Puntland, kuwaa oo qaarkood ka tirsanaayeen Kooxda Alshabaab oo ku xukunnaa dil.
xogta la helay ayaa sheegeysa in xalay koox eedeysanayaal ah oo ka tirsanaa Alshabaab ay ka baxsadeen xabsiga magaalada oo si aad ah loo ilaaliyo, halka qaar ciidamadu qabteen.
Waxaa lagu eedeeyey in dad u fududeeyeen bixitaanka xukunsanayaasha sida uu sheegay duqii hore ee magaalada Gaalkayo xildhibaan Cabdiladiif Muuse Sanyare, isaga oo wax laga xumaado ku tilmamay in dad xukunsayaal ah 3 sano xabsi ku jiraan.
“Waa wax aad looga xumaado, in gacan kudhiigle 3sano kahor dil lagu xukumay, oo ay u harsantahay in la qisaaso, uu xabsiga kabaxsado, waxaan rajaynaya cidii u kaalmaysay gacan kudhiiglayasha in cadaalada lahorkeeno” ayuu ku yiri qoraalkan oo uu soo dhigay boggisa Facebook.
Shakhsiyaadka baxsaday ee loo haysto in ay ka tirsan yihiin kooxda Alshabaab ayaa horay wareysi laga qaaday ku sheegay in ay magaalada Gaalkacyo ku dileen dad kala duwan oo ay ku jiraan mas’uuliyiin dowladeed.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in laamaha Amniga Puntland ay bilaabeen baaritaan ku saabsan cidda fududaysay baxsashada shakhsiyaadka ku xukumannaa dilka ee ka baxsaday xabsiga saldhiga cirka Gaalkacyo.
Sidan oo kale 2022-kii ayey xubno ku xukunaa dil toogasho ka baxsadeen xabsigan gaarka ah, Wakhtigaas maamulku ma aysan cadayn in xubnahii baxsaday la soo qabtay iyo in kale.
HBN ONLINE TV

