Xubnaha Mucaaradka Soomaaliya oo ka hadlay gogol Madaxweyne Xasan Sheekh iyo sida ay u wajihi doonaan

Xubnaha mucaaradka Soomaaliya ee la magac-baxay “Golaha Badbaadada Soomaaliyeed” ayaa ku dhawaaqay inay aqbaleen codsi kulan oo uga yimid Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo ku aadan in wadahadal laga yeesho tabashooyinka jira iyo arimaha doorashooyinka oo aanay ku qanacsaneyn.

Afhayeenka mucaaradka Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in inkasta oo taariikh rasmi ah aan weli la shaacin, hadana ay soo gudbiyeen dhowr xulasho taariikheed, islamarkaana ay sugayaan jawaabta Madaxweynaha uu ku bixiyo.

Sidoo kale, Kulankan la filayo ayaa imaanaya iyadoo ay jiraan khilaafyo siyaasadeed oo xooggan, gaar ahaan kuwa ku saabsan hannaanka doorashada 2026 iyo arrimo la xiriira awood qaybsiga.

Mucaaradku waxay u arkaan fursad diblomaasiyadeed oo muhiim ah si loo xalliyo khilaafaadka taagan, waxayna kulamo ka dhan ah dowladda ku qabteen gudaha iyo dibadda dalka, taasi oo qasabtay inay soo faragaliso beesha caalamka.

HBN ONLNIE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed