Xogtii ugu dambeeyay Cod-bixinta doorashada golaha deegaanka Banaadir oo socota

Safaf ballaaran ayaa dadka u galeen goobaha cod-bixinta doorashada golaha deegaanka gobolka Banaadir oo boqolaal gaaraya. Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka guud ahaan caasimada iyo goobha laga cod bixinayo.

In ka badan 10-kun oo askari ayaa ka qayb qaadanaya sugitaanka ammaanka, iyaga oo kahor tagaya weeraro ka yimaada Alshabaab.

Inta badan dadka cod bixinayo ayaa u badan dhalinayo ka yar da’da 35, iyada oo dumar iyo waayeelba ay qayb ka yihiin. Kuraasta la dooranayo ayaa loo kala qeybiyay labo qeybood oo kala ah A iyo B, kuwaas oo kuraasta A ay ka kooban yihiin 27 xubnood, halka kuraasta B ay ka kooban yihiin 21 xubnood.

Dad kor u dhaafaya 500-kun oo u qalma inay cod bixiyaan ayaa kala dooranaya 1,604 musharax oo u taagan doorashada golaha deegaanka Banaadir.

Caawa marka ay saacadu gaarto 12:00 AM saqdhexe ayaa caasimada Soomaaliya laga qaadayaa bandowga saaran, iyada oo cod bixintu ay soo idlaanayso xilliga makhribka Soomaaliya ama 06:00pm maanta.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed