Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, oo ay wehelinayeen Ku-xigeenkiisa Ilyaas Cismaan Lugatoor iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada maamulka ayaa maanta qasriga Madaxtooyada Garowe ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Danjire Charles King iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Kulankan labada dhinac oo la tilmaamay inuu muhiim ahaa ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Puntland iyo UK, iyadoo la falanqeeyay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan arrimaha gudaha ee Puntland.
Waxaa sidoo kale lagu lafaguray sida la carrabaabay dadaallada Puntland ee la xiriira sugidda amniga, la-dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada iyo horumarinta hannaanka dimuqraadiyadeed ee Puntland.
Intaa waxaa dheer, wafdiga safaaradda UK ayaa ka warbixiyay mashaariicda horumarineed ee ay Dowladda Ingiriiska ka wado gudaha Puntland, iyagoo muujiyay taageerada ay si joogto ah u siiyaan shacabka iyo maamulka goboleedka.
Safiirka Ingiriiska ayaa intii uu socday kulanka ku wareejiyay Puntland deeq isugu jirta daawooyin iyo agab caafimaad, taasoo qeyb ka ah taageerada howlgalka ka dhanka ah argagixisada ee haatan ka socda buuraleyda Calmiskaad. Dowladda Ingiriiska ayaa si gaar ah u bogaadisay go’aanka Puntland ee ciribtirka kooxaha loogu yeero Argagixiada iyo sida ay uga go’an tahay sugidda amniga iyo xasilloonida gobolka.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday sida madaxtooyada Puntland ay sheegtay is-afgarad ku saleysan wada-shaqeyn dhow iyo ballanqaadyo cusub oo ku aaddan xoojinta xiriirka labada dhinac si loo gaaro nabad iyo horumar waara.
Dhanka kale, Socdaalkan wuxuu ku soo aaday maalmo yar ka dib markii safiirka UK iyo xubnaha kale ee beesha caalamka ee C6+ uu kulan laba geesood ah ku dhexmaray xaruntooda Xalane ee Muqdisho.
Waxyaabaha sida hoose ay warbaahinta u heshay waxaa ka mid dastuurka iyo xubnaha maamullada Maqan, iyada oo arintaasi ay horay ugu gudbiyeen xubnaha Mucaaradka ah Beesha Caalamka.
HBN ONLINE TV