Xogo dheeraad ah oo ka soo baxaya shirka golaha wadatashiga qaran

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo lagu waday maanta in uu ka furmo magaalada Muqdisho ayaa dib u dhacay, inkasta oo wakhtigii loogu talagalay ay saacado ka harsan yihiin. Shirka oo isha lagu wadahayey ayaa waxaa uu ahaa mid aad u xasaasi ah, maadama dhowr jeer horay loo mudeeyey wakhtiisiina wax u suuroobi waayeen oo uu dib u dhac ku yimid.

Waxaa uu ahaa shir furan oo uu socday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo fure u ahaa mideynta aragtida dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, si loo dardar-geliyo hawlaha amniga iyo doorashooyinka dalka.

Sidoo kale, Qodobada ugu muhiimsan ee la qorsheeyey in laga doodo waxaa ka mid ahaa dagaalka lagula jiro Alshabaab iyo qorshaha doorashooyinka golayaasha deegaanka ee Juun 2025, hase yeeshee lama shaacin sababta rasmiga ah ee dib u dhaca. Madaxtooyadu weli wax faahfaahin ah kama soo saarin oo lagu sheegayo inuu dib u dhacay, balse waxaa loo badihaa dib laga soo sheego xogta rasmiga ah ee ku aadan.

Maqnaanshaha Puntland iyo Jubbaland waxay mar kale muujinaysaa kala qeybsanaanta siyaasadeed ee u dhaxeysa dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada. Tani waxay dhaawac ku tahay midnimada siyaasadeed ee dalka.

Dhanka kale, casuumaadda Maamulka SSC-Khaatumo waxay noqon kartaa tallaabo siyaasadeed oo muhiim ah, taasoo xambaarsan fariin ku saabsan aqoonsiga dowladda dhexe.

Geesta kale, shirku wuxuu wajahayaa caqabado culus oo siyasaadeed, taasi oo ah mid maamul iyo siyaasiyiin, balse waxaa ka soo laabanaya su’aalo iyo waydiimo u baahan qaabka loo furfuri karo iyo sida loo xalin doono, waa haddii dhinacyadu ogaalaan in miiska wadahadalka isugu yimaadaan.

Isha ku haay HBN Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed