Xogo cusub oo laga helayo Kulamo Milatari Xasaasi ah oo Muqdisho ku dhexmaray Soomaaliya, Masar & Pakistan

Dowladda Soomaaliya ayaa 24-kii saac ee la soo dhafaay martigalisay laba kulan oo la xiriira amni iyo milatari ee ay la leedahay dalalka Masar iyo Pakistan, iyadoo Muqdisho ay martigelisay wafdiyo ciidan oo ka kala socda labada dal.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan la qaatay wafdi saraakiil ciidan ah oo Masar ka socday, waxaana la tilmaamay in diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga difaaca iyo amniga, iyo taageerada Masar ee dagaalka lagula jiro Alshabaab.

Danjiraha Masar ee Soomaaliya, Maxamed Salaax Keshtah, ayaa sheegay in dalkiisu sii wadi doono taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada iyo dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Dhanka kale, wafdi sare oo ka socda Ciidanka Cirka Pakistan oo uu hoggaaminayo oo uu hoggaaminayo Taliyaha Difaaca Cirka, ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan Muhammad Sarfraz, waxaana soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliya, Jeneraal Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji. Wafdiga Pakistan ayaa kulamo la yeelanaya Taliska Ciidanka Cirka Soomaaliya si looga wada hadlo iskaashiga ciidamada cirka iyo difaaca cirka.

Labada booqasho ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo awoodda ciidamada iyo iskaashiga caalamiga ah ee dhinacyada amniga, si gaar ah dhisidda ciidamada Cirka. Soomaaliya iyo Pakistan ayaa sidoo kale horey u xoojiyay iskaashigooda milatari, oo ay ku jiraan tababbarro, la-dagaallanka argagixisada iyo horumarinta awoodaha difaaca.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed