Dowladda Turkiga ayaa la sheegay in Soomaaliya keentay saddex diyaaradood oo nooca dagaalka ah ee F-16, kuwaas oo ka tirsan diyaaradaha jiilka afaraad, xilli ay sii kordhayaan maalgashiyada Turkigu ku sameynayo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tamarta iyo hawada sare, sida ay soo warisay Shabakadda wararka Bariga Dhexe ee Middle East Eye.
Mas’uuliyiin Soomaali ah oo xog-ogaal u ah arrintan ayaa Middle East Eye u sheegay in Ankara ay bilihii la soo dhaafay ka waday garoonka diyaaradaha Muqdisho dhismaha xarun gaar ah oo loogu talagalay in la dhigo kana duulaan diyaaradaha F-16. Injineerro Turki ah ayaa la sheegay in ay maalmo ka shaqeynayeen diyaarinta goobta, halka sawirro dayax-gacmeedyo ah oo ay falanqeysay Middle East Eye ay muujinayaan in tan iyo bishii Sebtembar la dhisay hangarro cusub oo ku yaalla garoonka Aadan Cadde.
Inkastoo Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga aysan si toos ah uga hadlin arrintan, ilo ka tirsan wasaaradda ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in Turkigu uu ka hawlgalo talis ciidan oo cirka ah gudaha Soomaaliya, kaas oo door ka qaata tababarka, la-talinta iyo taageerada milatari ee lagu xoojinayo awoodda Soomaaliya ee la-dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada.
Sidoo kale, Middle East Eye ayaa tilmaantay in 10-kii maalmood ee la soo dhaafay ay Soomaaliya yimaadeen duulimaadyo xamuul oo Turkiga laga leeyahay, kuwaas oo suuragal ah inay sideen qalab dayactir iyo saanad milatari. Ilo xog-ogaal ah ayaa shabakadda u sheegay in tallaabadan ay hordhac u tahay qorshaha Turkiga ee dirista madal sahamin shidaal oo xeebaha Soomaaliya ka hawlgali doonta dabayaaqada sanadkan, iyo sidoo kale mashruuc Dayax-gacmeed hawada sare ah oo la qorsheynayo.
Middle East Eye ayaa sidoo kale xustay in Turkigu muddo dheer Soomaaliya ka taageerayay la-dagaallanka Al-Shabaab, isla markaana uu mar kale carrabka ku adkeeyay taageerada uu u hayo midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha amni iyo siyaasadeed ee ka jira Geeska Afrika.
HBN ONLINE TV

