Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay waajib tahay in lagula xisaabtamo dambiyadii ka dhacay Somaliland muddadii uu xilka hayay.
Xirsi oo ka hadlayey munaasibad habeenimadii ka dhacday magaalada Hargeysa, waxa uu yiri “Caawa dambiilaha ugu horreeya ee u baahan in lala xisaabtamo waa Biixi, waa in lagula xisaabtamaa wixii dalka ka dhacay iyo xaaladda uu maanta marayo…”.
Waxa uu Madaxweynaha ku eedeeyay in uu ka baxay heshiis ay ku heshiiyeen Odayaasha Bariga Burco, isla markaana uu u fududeeyay jabhadihii fadhigoodu ahaa buuralayda Gacanlibaax, si colaad loo abuuro, doorashona looga baaqsado, sida uu hadalka u dhigay.
Hase-yeeshee, Musharraxa Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo isna halkaas ka hadlay, ayaa ku nuuxnuuxsaday inuu ka shaqayn doono midaynta Bulshada Somaliland haddii uu ku guulaysto doorashada.
Si kastaba, mucaraadka maamulka Somaliland ayaa eedo tiro beel ah u jeedinayay Muuse Bixi labadii sano ee la soo dhaafay, markii uu ku guul darreystay in doorashada la qabto, taaso dib u dhacday, waxana lagu wadaa bisha November ee sanadkan in la qabto.
HBN NEWS DESK