Xisbiga mucaaradka ee Kulmiye oo Xukuumadda Somalilland ku eedeeyey xarig iyo cabsi galin shacab lagula kacay

Xisbiga mucaaradka ee Xisbiga Kulmiye ayaa ku eedeeyay xukuumadda Somaliland inay ku kacday xarig iyo cabsi-gelin loo geystay qaar ka mid ah shacabka, oo ay ku jiraan saxafiyiin iyo dad aragtidooda dhiibtay.

Afhayeenka xisbiga Kulmiye Mustafe Cabdi Ciise ayaa sheegay in xukuumadda hadda jirta ay dadkii isugu dartay sida uu ku dooday tacadiyo, caga-juglayn iyo xarig loo geystay dad lagu eedeeyay inay hadal ka jeediyeen arrimo siyaasadeed. Wuxuu tilmaamay in dadkaas lagu xiray sabab la xiriirta hadal ay muujiyeen, balse uu sheegay in si adag kaga soo horjeedo xisbigiisa Kulmiye.

“Dadka lama aamusiin karo afkoodana lama xiri karo. Xukuumadda Somaliland waxay ku kacday falal ay ku jiraan tacadiyo, caga-juglayn iyo xarig loo geystay saxafiyiin iyo dad kale oo hadalkooda cabbiray,” ayuu yiri Afhayeen Mustafe Cabdi.

Wuxuu sidoo kale sheegay in xabsiyada ay ku xiran yihiin ilaa tobaneeyo qof oo uu ku tilmaamay in si aan sharci ahayn loo xiray, isaga oo carrabaabay in dastuurkoodu qeexayo xoriyadda hadalka, laakiin ay nadiib darro tahay in shacabka loo haysto cabirka afkaartooda ay muujiyeen ama aragti ay ka dhiibteen xaaladaha taagan.

Xisbiga Kulmiye ayaa ugu baaqay xukuumadda Somaliland inay si degdeg ah u sii deyso dadka xiran, isagoo ku adkeeyay in xorriyadda hadalka iyo xuquuqda muwaadiniinta la ilaaliyo.

Horay, Xisbigaan inta uu xukunka haayey muddadii 7 sano ahayd ee xukuumaddii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa marar badan si weyn loogu eedeeyey caburin iyo xarig sanado qaatay oo loo gaystay dad aragtidooda cabiray iyo kuwa dhaliilayba.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed