Xisbiga talada ka dagaya Somaliland ee Kulmiye ayaa sheegay in uu aqbalay natiijadda hordhaca ah ee ay shaaciyeen guddiga doorashooyinka Somaliand ee ah in doorashada madaxtinimo looga guuleystay.
Guddoomiyaha olaha doorashada xisbiga Kulmiye Mustafe Qodax oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa ugu baaqay taageerayashooda in ay hambalyeeyaan Xisbiga ka guuleystay oo guddiga doorashada Somaliland ku sheegeen in uu yahay Wadani.
“Taageerashayda waxaan ugu baaqaayaa in ay si gobonimo ugu hambayeeyaan xisbiga naga guuleystay iyo musharaxiinta” ayuu yiri Guddoomiye Mustafe Qodax.
kulmiye oo tartankaan uu u ahaa kiisii 4-aad ayaa guul daro kala kulmay in uu ku guuleysto doorashda madaxweyne ee Somaliland oo sanadkan aheyd mid aad u xiisa badneyd, taasi oo natiijada uu shaaciyey ee hordhaca ah guddiga doorashada uu ku sheegay in uu guuleystay Cabdiraxmaan Cirro.
Boqolaal taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ka socday ayaa siyaaba kala duwan fariimo hambalyo ah ugu diray baraha bulshada Wadani oo ka guuleystay, iyaga oo sheegay in ay soo dhaweynayaan madaxweynaha dooran ee xisbiga muraadka ah.
HBN ONLINE TV