Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa shaaca ka qaaday inaanay xoog iyo cudud midna go’aamin doonin awoodda siyaasadeed ee Somaliland, isagoo xusay inay muhiim tahay in la ixtiraamo hannaanka dimuqraadiyadda maamulkaas.
Kaahin, oo meel fagaare ah kala hadlay taageerayaasha xisbiga, ayaa ku nuux-nuux saday in Kulmiye uu ixtiraami doono natiijada doorashada 13 November ee soo socota. “Haddii aanu doorashada ku guulaysano, si sharaf leh ayaanu xilka ku qaadanaynaa, saaxiibadey Kulmiye xoog kuma sii joogi karo, xoogna kuma qabsan karno, ma aaminsanin in cid si xoog ah ku qabsan karto xilka Kulmiye,” ayuu yiri
Kaahin waxa uu tusaale u soo qaatay doorashadii 2003, waxaanu xusay in xisbiga Kulmiye aqbalay natiijadii markii uu xisbiga UDUB ku guulaystay codad yar oo dhan 82 cod. Waxa uu walaac ka muujiyay in xisbiga Waddani uu ku dhibtoonayo inuu aqbalo natiijada doorashada haddii laga guuleysto, sida uu hadalka u dhigay, isagoo tilmaamay in Waddani uu shaki ka qabay inay aqbalaan natiijada doorashada 2017-ka.
Kaahin waxa kale oo uu ku baaqay in la sameeyo olole ku dhisan walaaltinimo iyo ixtiraam. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu la kulmay dhaleecayn lagu eedeeyay in uu u adeegsaday ereyo kala qaybin ah ololihiisa gaarka ah ee Kulmiye.
Xisbiga Kulmiye, ayaa ololo xooggan oo la xariiro dooraashada bisha November waxaa uu kala kulmayaa xisbiga Waddani oo lagu sheegay in uu aad iskugu diyaariyay doorashooyinka Somaliland, iyada oo haatan maamulkaas ay ka socdaan olole culus.
HBN NEWS DESK