Xisbi ka mid kuwii doorashada Puntland ku tartamay oo ku eed u jeediyey Guddiga doorshooyinka

Xisbi ka mid kuwii doorashada Puntland ku tartamay oo ku eed u jeediyey Guddiga doorshooyinka

Xisbiga Mustaqbal oo ka mida axsaabtii ku tartamaysay goloyasha deegaanka seddex degmo ee Puntland ayaa tabasho ka muujisay tirada ay guddiga doorashada sheegeen in ay ka codeeyeen degmada garoowe, iyaga oo sheegay in tirada ay guddiga sheegeen mid ka hoosaysaa ay ka codaysay halkaas.

Guddiga doorashada ee Puntland ayaa sii daayey natiijada hordhaca ah ee doorashadii golaha deeganaka ee ka dhacday saddex degmo oo ka tirsan gobolka Nugaal.

Cabdikaafi Xasan Maxamed oo ah guddoomiye xigeenka Xisbiga Mustaqbal oo warbaahinta la hadlay ayaa in codkaas aad loo buunbuuniyey, ayna Saddex meeloodow laba meelood aysan  codayn tiradii is diwaangelisay.

“Waxaana tabanaynaa in codka Garoowe aad loo buunbuuniyey, dadka codeeyey illaa siddeed iyo toban kun iyo siyaado weeye, codka 25-ka kun ah ee la sheegay ma ay codayn. Saddex meeloodow laba meelood ayaan codayn tiradii is diwaangelisay” ayuu sheegay Cabdikaafi Xasan.

Guddoomiye Cabdikaafi ayaa ku dooday in codka dheeraadka ah loogu daray xisbiga xukuumadda ee Kaah, oo sheegay in toddobada kune e dheeraadka ah loogu buuxiyey, sida u sheegay.

Ma jirto masuul ka tirsan guddiga doorashooyinka oo ilaa iyo hadda ka hadlay eeda Xisibiga Mustaqbal oo codad hoose ka helay doorshada hordhaca aheyd ee guddigu baahiyeen.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed