Xiriirka Soomaaliya iyo Yemen oo waji Cusub galay xilli xiisado ka Taagan yihiin Gobolka

Xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Yemen ayaa galay wajigi isbeddel oo cusub, xilli labada dal ay si dhow isugu soo dhowaadeen kana mideysan yihiin aragtida laga qabo kooxda Xuutiyiinta ee gobolka.

Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Yemen Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) ayaa maanta si rasmi ah nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ugu gudbiyay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Yemen, Amb. Mustafa Al-Nucmaan, munaasabad kadib markii gaaray magaalada Sanca.

Intii lagu guda jiray kulankaasi, labada mas’uul waxay diiradda saareen wadahaladooda Xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, Iskaashiga amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo diblomaasiyadda, la dagaallanka kooxaha xagjirka ah ee khatarta ku haya gobolka.

Danjire Dhoobo Daareed ayaa si gaar ah uga mahadceliyay soo dhoweynta loo sameeyay, isagoo carrabka ku adkeeyay sida uu uga go’an yahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen, kuwaas oo wadaaga dano dhaqan, diin iyo juquraafi ahaanba is dhexgal badan.

Is-afgaradka cusub ayaa imaanaya iyadoo gobolka uu wajahayo xasilooni darro sii kordhaysa oo ka dhalatay dhaq-dhaqaaqyada Xuutiyiinta oo Soomaaliya ku eedeysay inay gacan saar la leeyihiin kooxaha gudaha dalka ka dagaalama, kuwaas oo khatar ku haya maraakiibta ganacsiga ee maraya Badda Cas iyo gacanka Cadan — meel muhiim u ah Soomaaliya iyo Yemen labadaba.

Waxaa la filayaa in xiriirkan cusub uu horseedo iskaashi muuqda oo labada dal ku sameeyaan dadaallada gobolka lagu xasilinayo iyo ka hortagga khataraha amni ee is biirsaday.

HBM ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed