Xildhibaanno buuq iyo gacan ka hadal sameeyey oo laga Mamnuucay Fadhiyada Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ku dhawaaqay in uu joojiyay ka qaybgalka fadhiyada Golaha Shacabka xubno dhowr ah oo ka tirsan Golaha, isagoo ku sababeeyay arrimo la xiriira amniga guud.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka, laguna lifaaqay magacyada xubnaha laga mamnuucay fadhiyada, ayaa lagu sheegay in go’aankan lagu saleeyay qodobo dhowr ah oo ka mid ah Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, gaar ahaan qodobka 4-aad, faqraddiisa 1-aad iyo qodobka 18-aad oo dhigaya waajibaadka Guddoomiyaha Golaha ee dhinaca sugidda amniga iyo hufnaanta howlaha Golaha.

Qoraalka ayaa si cad u sheegay in xubnaha la mamnuucay ay si toos ah khatar ugu yihiin amniga Golaha, taasoo ku qasabtay Guddoomiyaha in uu qaato tallaabo degdeg ah oo lagu ilaaliyo xasiloonida iyo nabadgelyada fadhiyada Golaha Shacabka. Waxaa sidoo kale Guddiga Xeer-hoosaadka ee Golaha laga codsaday in ay talooyin sharciyeed iyo go’aamo la xiriira anshaxa ka soo gudbiyaan arrintan.

Xubnaha Golaha ee laga joojiyay fadhiyada waxaa ka mid ah:
1. Xildhibaan Maxamed Deeq Barre Cumar (Fiyoore)
2. Xildhibaan Saadaam Maxamuud Cabdi (Jubeer)
3. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow
4. Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare)
5. Xildhibaan Cabdirisaaq Xasan Axmed “Dhookiir”
6. Xildhibaan Maxamed Bashiir Cali (Baxnaan)
7. Xildhibaan Axmed Maxamuud Jaamac (Buus)
8. Xildhibaan Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi)
9. Xildhibaan Sadaq Cabdullaahi Cabdi
10. Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Axmed (Xayle)
11. Xildhibaan Mowliid Cabdi Maxamuud
12. Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug)
13. Xildhibaan Faysal Axmed Maxamuud (Wahaabi)
14. Xildhibaan Cali Mahdi Maxamed (Qalato)
15. Xildhibaan Xasan Cabdiuur Cabdi
16. Xildhibaan Cabdirashiid Jire Qaliye
17. Xildhibaan Cabdiraxmaan Axmed Cusmaan (Gurey)
18. Xildhibaan Cabdiraxmaan Isaaq Maxamed
19. Xildhibaan Dr. Cabdirashiid Maxamed Nuur (Jilley)
20. Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig

Warqadda ayaa u dirtay Guddiga Xeer-hoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo Xasaanadda Golaha Shacabka si ay uga soo saaraan talooyin sharci ah oo waafaqsan Xeer-hoosaadka Golaha.

Go’aankan ayaa imaanaya xilli dalka uu wajahayo xaalad siyaasadeed iyo amni oo murugsan, iyadoo laga cabsi qabo in khilaafaadka siyaasadeed uu saameeyo habsami u socodka howlaha baarlamaanka. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muujinaysa in Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu doonayo in uu xakameeyo khalkhal kasta oo ka imaan kara gudaha Golaha.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed