Waxaa gabi ahaanba baaqday kulan lagu waday inuu maanta yeesho Baarlamaanka Soomaaliya oo looga hadlayey xaaldaha darstuur iyo wax ka bedeli lagu sameey, kadib markii tiro Xildhibaanno mucaaradka Baarlamaanka Soomaaliya ay ku guuleysteem inn la hakiyo fadhigii Golah. Ka hor hakinta kalfadhiga, xildhibaanada ayaa sameeyey buuq iyo sawaxan hareeyay fadhigii Golaha.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa ku dhawaaqay in fadhigii Golaha la fasaxay, isagoo sheegay in tallaabadan loo qaaday si loo helo fursad wadahadal iyo isfaham.
Xildhibaanno ka soo jeeda maamullada Puntland iyo Jubaland ayaa si adag uga hor yimid ajandaha wax ka beddelka dastuurka, iyagoo ku dooday in aan si dastuuri ah muddo dheeraad ah loogu dari karin kal-fadhi dastuuri ahaan xirmaya.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in xildhibaannadii buuqa sameeyay ay dalbadeen in shirka dib loo dhigo. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Baarlamaanka uusan xirmin balse uu sii furnaanayo, isla markaana la doonayo in lala fariisto xildhibaannada tabashada qaba.
“Xildhibaannada walaalaheen ee buuqsanaa waxay codsadeen in shirka golaha dib loo dhigo. Baarlamaanka sidii sii waa furan yahay waa soconayaa, laakiin waxaan rabnaa xildhibaannada inaan wadahadalno, waxay tabanayaan iyo waxyaabaha buuqa keenaya inaan ka dhageysanno,” ayuu yiri Guddoomiye Aadan Madoobe.
Go’aankan ayaa imanaya xilli muran xooggan uu ka taagan yahay hanaanka wax ka beddelka Dastuurka iyo waqtiyeynta kal-fadhiyada Baarlamaanka, taasoo gaartay heer aad u xasaasi ah, maadaama muddada xil-heynta xildhibaannada ay gabaabsi tahay, isla markaana ay horyaallaan howlo culus oo qaran.
Ka hor inta uusan guddoonka go’aankan ku dhawaaqin, buuqa iyo xiisadii ka dhacday xarunta Golaha Shacabka ayaa sababtay in ciidamo booliis ah la geliyay gudaha Baarlamaanka si ay u xakameeyaan xaaladda, taasoo keentay is jiid-jiid iyo muran hor leh goobta ka dhoco. Xildhibaanno mucaarad ah ayaa ku eedeeyay ciidamada booliiska inay adeegsadeen xoog xad-dhaaf ah, halka muuqaallo si weyn loogu baahiyay baraha bulshada ay muujinayeen xildhibaanno iyo ciidamo is jiidaya, iyadoo sawaxan, qaylo iyo firimbi ay ka yeerayeen hoolka Golaha.
Tani waa markii labaad oo maalmo gudahood buuq iyo fowdo ay hareeyaan shaqada Baarlamaanka, arrintaas oo dhalisay falcelin ballaaran oo dadweynaha ah. Qaar badan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ayaa baraha bulshada ku muujiyay walaac iyo caro, iyagoo ku tilmaamay dhacdooyinka kuwo aan la aqbali karin.
Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa sheegaya in inkastoo xaaladdu hadda degan tahay, haddana khilaafaadka soo noqnoqda ee Baarlamaanka ay khatar ku yihiin kalsoonida dadweynaha, isla markaana ay sii adkeyn karaan xaaladda siyaasadeed ee jilicsan ee dalka, iyadoo weli la eegayo sida kulamada Golaha ay u sii socon doonaan maalmaha soo socda.
HBN ONLINE TV

