Xildhibaannada ku matala Jubbaland BJFS oo kismaayo isugu tagay

Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo laga soo doorto Jubaland ayaa maanta oo Khamiis ah gaaray magaalada Kismaayo, ka dib casuumad uu ka dalbaday madaxweyanah maamulkaasi.

Waxaa xildibanaadan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Jubaland, waxaana ay kulamo iyo wadatashi u aadeegeen deegaanka laga soo doorto.

Xildhibaannadan Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ajiibay codsi uga yimid Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo ku casumay shir Wadatashi ah, kaasi oo ka dhici doonaa Kismaayo.

Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Xildhibaannada Labada Aqal ee laga soo doorto Jubaland ayaa lagu wadaa in ay Shirkooda Wada-tashiga ah uga arrinsadaan Khilaafka u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Jubaland.

Jubbaland iyo dowladda dhexe ayaa isku fahmi arinta doorashada iyo qaabka loo wajahayo, ka dib markii dowladda ku adkeysatay in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah, waxaana arinkaasi ka biya diiday madaxweyne Axmed Madoobe oo adkeystay in uu qabanayo doorashada deegaannada uu ka arimiyo.

Bishii hore waxaa xildibaanada ku matala labada Aqalka ku matala u yeeray maamulka Puntland, ka dib markii warqad casuumaad ah ka heleen xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed