Xildhibaanada UK oo Ku Baaqay Joojinta Hubka loo Dhoofiyo Israa’iil

Koox xildhibaano oo ka tirsan baarlamanka Ingiriis ah ayaa ku celiyay baaqooda ku aaddan in si degdeg ah loo joojiyo ruqsadaha dhoofinta hubka ee Israa’iil, xilli ay xaaladda ka jirta Marinka Gaza sii xumaaneyso.

Xildhibaannadan oo ka kala socday xisbiyada kala duwan ayaa isugu soo baxay banaanka baarlamaanka, iyagoo sita boor ay ku qoran tahay: “Jooji Hubka loo Dhoofiyo Israa’iil.”
Muuqaalkan ayaa ka horreeyay dood ka socotay baarlamaanka, taas oo ku saabsan codsi ay saxiixeen in ka badan 100,000 oo qof oo dalbanaya in si degdeg ah loo laalo dhammaan ruqsadaha dhoofinta hubka ee Israa’iil.

Illaa & habeenimadii dad ka badan 100,00 qof ayaa saxiixay codsigan.
2-dii Sebteembar, dowladda UK ayaa ku dhawaaqday inay hakisay 30 ka mid ah 350 ruqsadaha dhoofinta hubka loo dhoofiyo Israa’iil, kaddib markii dib u eegis lagu sameeyay. Dowladda ayaa sheegtay inay jirto khatar cad oo ah in qaar ka mid ah hubka UK loo isticmaalo ku xadgudubka sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada.

30-ka ruqsadood ee la hakiyay waxay daboolayaan qalabka diyaaradaha militari, helicopter-rada, drones-ka, iyo agabka kale marka laga reebo qaybaha UK ay ka bixiso barnaamijka diyaaradda dagaalka ee F-35.

Arrintan ayaa soo jiidatay dareen badan kaddib markii kooxaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ay bartilmaameedsadeen dalalka bixiya hubka iyo taageerada Israa’iil ee dagaalka lagu hayo Gaza. Dagaalkan ayaa ilaa hadda galaaftay nolosha in ka badan 45,000 oo qof, intooda badan waa haween iyo carruur.

Israa’iil ayaa sii wada dagaalka xasuuqa ah ee ka dhanka ah Marinka Gaza, kaas oo ka bilaabmay weerarkii Xamaas ee Oktoobar 7, 2023, inkastoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah.

Sanadka labaad ee dagaalka Gaza ayaa keenay cambaareyn caalami ah oo sii xoogeysaneysa, iyadoo mas’uuliyiinta iyo hay’adaha caalamiga ah ay ku tilmaameen weerarada iyo xannibaadda gargaarka inay yihiin isku day lagu baabi’inayo bulsho dhan.

Bishii hore, Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah (ICC) ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkii hore ee Difaaca Yoav Gallant, iyadoo lagu eedeeyay dembiyo dagaal iyo dembiyo ka dhan ah bini’aadantinimada ee Gaza.

Sidoo kale, Israa’iil ayaa wajaheysa dacwad la xiriirta xasuuq ka socda Marinka oo ay soo oogtay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddalaada (ICJ).

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed