Xildhibaanada Golaha Shacabka oo dood kulul ka yeeshay sharciga Ciidanka Booliiska

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay mid ka mid ah kulamadoodii ugu kululaa, kadib markii ay dood adag ka yeesheen Sharciga Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, kaas oo ay Golaha u soo gudbisay Wasaaradda Amniga Gudaha.

Intii ay socotay doodda, inta badan xildhibaanadii hadalka qaatay ayaa si weyn uga hor yimid qodobbada sharciga, iyagoo muujiyay cabashooyin kala duwan oo ku saabsan ahmiyadda iyo ujeeddada uu xambaarsan yahay sharcigan, maadaama sharcigii hore ee Booliiska uu weli jiro.

Xildhibaanada diidmada muujiyay ayaa eedeymo u jeediyay Ciidanka Booliiska oo la xiriira ku dhaqanka sharciga, waxaana ka mid ahaa Xildhibaan Faa’isa Jeyte, Maxamuud Cabduqaadir Jeego, Cabdisamad Macallin Maxamuud, Cabdinuur Cali iyo Khaliif Cabdi Cumar.

“Booliska Soomaaliyeed waa ka weyn yahay in 18 bog lagu beddelo sharcigii hore ee muhiimka ahaa. Ciidanka Booliska wuxuu la shaqeeyaa hay’adaha garsoorka dalka, marka hay’adaha garsoorka la federaaleeyo ayay ku habboon tahay in la beddelo sharcigii Booliska. Fadlan dib u soo celinta sharciga Booliska Soomaaliyeed waa muhiim.”ayuu yiri Xildhibaan Khaliif.

Xildhibaan Faa’isa Jeyte ayaa iyaduna sheegtay:“Boolisku sharci kuma shaqeeyaan, sharci qabtana ma laha. Saxaafadda ayay dhibaateeyaan, qalabkoodana way ka qaataan. Sharcigan dib haloo celiyo, lana sameeyo sharci Boolis Soomaaliyeed oo caddaalad ah.”

Dhanka kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne ayaa taageeray sharcigan, wuxuuna yiri: “Waan soo dhaweynayaa, waana ku faraxsanahay in sharciga cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu maanta horyaallo Baarlamaanka.”

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo fadhiga golaha ku sugnaa, ayaa ka jawaabay eedeymaha xildhibaanada diidmada ka keenay sharciga, isagoo sheegay in loo baahan yahay inaan la siyaasadeyn xeerarka ciidamada, maadaama dalka uu galay nidaamka federaalka, ayna muhiim tahay in sharciyada ciidamada loo wareejiyo heer qaran oo federaal ah.

“Markaad leedihiin sharciga hala celiyo, macnaheedu waxay noqonaysaa wax sharci ah oo la rabo malahan, saas la yeelina ka dooda, wixii xunna ka bixiya — wixii sanna keena.” ayuu yiri Wasiir Fartaag.

Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa sidoo kale sheegay in sharcigan uu baabi’inayo sharciyo kale oo dalka ka jira, isla markaana uu kasoo horjeedo sida ay andacoodeen Maqaamka Caasimadda Muqdisho, iyagoo ku baaqay in dib loo celiyo lana soo saxo. Waxaa sidoo kale la sheegay in sharcigan uu keeni karo kala dambeyn la’aan ciidan, ayna dhici karto in saraakiil darajo hoose ay ku xadgudbaan kuwo ka sarreeya, taas oo keeni karta dhibaato hor leh oo soo gaarta shacabka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed