Xildhibaanad ka hor timid waraaqihii Saxaaafadda u direen Baarlamaanka Soomaaliya

Xildhibaan Faa’isa Jeyte oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hor soo horjeesatay in saxaafadda loo diro waraaqo looga mamnuucayo in shirar lagu qabto banaanka hore ee xarunta golaha ee Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Faa’isa ayaa sheegtay in shirka jaraa’id ay qabtaan Xildhibaannada, Warbaahintana ay tabiso laakiin aysan qaban in waxaasi lagu dhaqmo, iyada oo ku dooday in mudananyaasha Baarlamaanka shaqadooda ay tahay in shacabkooda la hadlaan.

“Annaga in aan hadalno xaqeena waaye, dukaan nooma furna, raashiinna ma gadno, ma jirto cid na dhihi karto mahadli kartiin ee shaqadeenna ayaa hadal ah, adinka mahadashiin xaqna looma lahan in la idin dhaho shir jaraa’id ma qaban kartiin marka fahamka sharciga ayaa xoogaa liito,” ayay tiri Xildhibaan Faa’isa Jeyte.

Hadlka Xildhibaanadda ayaa imaanay xilli, iyada oo Golaha Shabaka maalmo ka hor uu mamnuucay in aan shir jraa’id lagu qabto gudaha xarunta iyo banaankeeda, sida oo kalane aan wareysi lagu qaadi Karin xildhibaanada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed