Xildhibaan Sheegtay in lagu celiyey garoonka Muqdisho iyada oo safar aheyd Baydhabo

Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle oo ka mid ah Golaha Shacabka ayaa sheegtay in maanta garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho lagu celiyay xilli ay u safreysay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Sida oo kale Xildhibaannada ayaa sheegtay in mid ka mid ah askarta uu ka qaaday Tikitkeedii, isla markaasna ay ka hartay diyaaradda ay ku qorneyd.

Xildhibaan Sareed oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka oo laga soo doorto deegaannada Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in howlo shaqo iyo booqashada ehelkeeda ay ugu socotay magaalada Baydhabo, balse sida hadalka u dhigtay is hor istaag lagu sameeyey.

Ilaa hadda ma cadda sababta xildhibaannada safarka looga hor istaagay, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga garoonka Muqdisho iyo mas’uuliyiinta maamulka Garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed