Xildhibaan Cabdirashiid oo iska casilay xilkii uu ka hayay Golaha Wakiilada Puntland & maamulka oo codsaday in xil qaadis iyo soo qabasho la isugu darro

Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Abwaan, oo ahaa ka tirsanaa Golaha Wakiilada Puntland kana soo baxay deegaanada Sanaag ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkii xildhibaanimo ee maamulkaasi uu ka hayey, kadib markii uu sheegay in deegaannada uu ku matalo kursigaasi ay wax ku darsadeen sida uu hadalka u dhigay maamulka SSC-Khaatumo.

Xildhibaan Cabdirashiid ayaa ka mid ahaa xildhibaanada ka soo jeeda gobollada Sanaag iyo Haylaan ayaa muujiyay rabitaankooda ku aaddan inay ku biiraan dowlad-goboleedka SSC Khaatumo, wuxuuna qudbadiisaba uu shirka Laasacanood ka hor sheegay inuu ka baxay Puntland.

Iscasilaadiisa ayuu xildhibaanku ku sababeeyay doonistiisa ah inuu ka shaqeeyo mideynta iyo dhismaha maamulka SSC Khaatumo. Isagoo ka hadlayay shirka dhammeystirka maamulka SSC-Khaatumo ayuu yiri: “Xubinimadii aan ka hayay Golaha Wakiilada ee dowladda Puntland waan ka tanaasulay. Waxaan uga tanaasulay si aan uga qayb qaato halganka siyaasadeed ee ku saabsan dhismaha iyo mideynta Khaatumo iyo Maakhir.”

Dhanka kale, Maamulka Puntland ayaa Xildhibaaannada Golaha Wakiilada ka dalbaday inay xil ka xayuubin ku sameeyaan Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo maanta ka soo muuqday shirweynaha lagu dhameystirayo dhismaha maamulka SSC-Khaatumo.

Warqad kasoo baxday Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud, una muuqata in taariikhdeeda laga dhigay asbuuc ka hor, ayaa waxa uu Golaha Wakiilada Puntland uga codsaday inay fudeydiyaan soo qabashada Cabdirashiid Cawl, maadaama uu hadda yahay Xildhibaan xasaanad leh. “Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowladda Puntland asaga oo gudanaya xilkiisa ku xusan qodobka 105-aad ee Dastuurka dowladda Puntland wuxuu halkaan kugu soo gudbinayaa codsiga ku saabsan xasaanad ka qaadista Xildhibaan C/rashiid Yuusuf Jibriil oo ku kacay lugta kula jira fal dambiyeedyo cada cad oo uu ku waxyeeleynayo amniga guud ee Puntland,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xeer Ilaalinta ayaa sheegtay in Cabdirashiid uu ku kacay sida hadalka u dhigeen fal dambiyeedyo cad-cad ah oo waxyeelaynaya amniga guud ee maamulka Puntland, xilli uu maalmihii dambe ka shaqeynayay dhismaha maamulka SSC. Cabdirashiid ayuu maamulka Puntland eedeeyay inuu wado sida hadalka loo dhigay abaabul ciidan oo lidi ku ah amniga Puntland iyo kan gobolka Sanaag. “Sida ka muuqata hadaladiisa iyo sawirradiisa uu ku faafiyay baraha bulshada isaga oo tuute ciidan xiran wuxuu wadaa abaabul ciidan,” ayaa lagu yiri qoraalka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maamulka Puntland

Cabdirashiid ayey Xeer Ilaalintu sheegtay inuu galay dambiyada ku xusan qodobadda 221, 223 iyo 233 X.C.S, sidaas darteed ay tahay in xil ka xayuubin lagu sameeyo si laamaha amniga loogu fududeeyo soo qabashadiisa, ayna Xeer-ilaalinta ugu sahlanaato dacwo ku oogistiisa “Waxaan mar labaad codsanaynaa in xasaanada laga xayuubiyo Xildhibaan C/rashiid Yuusuf Jibriil,” ayaa lagu yiri qoraalka Xeer Ilaalinta oo si toos ah loogu diray Golaha Wakiilada Maamulka Puntland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed