Muqdisho ( Hbntv)- Labadda gole ee baarlamaanka ayaa qabtay mid toban gudi oo ka soo talobixiyo dib u eegista dastuurka, xili kirdhinta labadda gole ee baarlamaanka iyo madaxweynaha.
Arrinta la xiriirta dhaneystirka dastuurka muddo maddan ayaa la hadal hayay, waxaana la joogaa waqtigii dastuurka uu ka gudbilahaa qabyo qoraalka.
Waxaa xusuusin mudan in Kullankii ugu horeeye ee golaha wadatashiga oo ka koobaa badaxda goboladda iyo madaxweynaha faderaalka ay ka heshiiyeen ahendayaal uu ku jiray dhameystirka dastuurka.
Wax dhib ahna kuma jiro howsha dastuurka in la bilaabo sida ay qabaan inta badan dadka siyaasadda daneeya. Waxayna dhabaha u xaareysaa in ay suurowda in dastuurka la dhaneystiri karo loona qaadi karo afti dadweyne.
Labadda qodob ee kale ah xili u kordhinta labadda golle ee baarlamaanka iyo madaxweynaha ayaa waxay u muuqataa in dadka qaar ay u arkaan mashruuc danley waxa afka Ingririiska lagu yiraaho “self interest project” oo xasaasiyad iyo mucaarad abuuri kara.
Xubnaha labadda aqal ee baarlamaan ku jira ma aha xubno laga dooratay deegaano lagu qabtay doorasho musharixiin badan ay isku soo kale reebeen. Shacabka Soomaaliyeed waa ka dharagsan yihiin sidda ay saaxadda siyaasadda ku yimaadeen iyo sida lagu soo xulay.
Dad badan baa su’aan ka keenaya in xildhibaanadda noocaas ah ay mudo xileedka kororsadaan, waxaana laga yaabaan in ay wax u dhinto dowladnimadda Soomaaliya ee muddadda dheer la soo yabyabayay.
Xildhibaanadda waxaa lagu soo xulay nidaam qabiili ah oo ku saleysan afar dhibic shan. Marka si kasta oo ay tahayba, golayaaha howshan galaya waa xildhibaano qabiilo iyo jufooyin oo intooda badan xirfad iyo aqoon aan la heyn. Ma aha xidhibaano xalaal ah oo doorasho xalaal ah oo qof iyo cid ah xilka ku yimid. Taa waqtigeeda la gaari!
Marka waxaa habooneyd in dad aqoon leh oo farsamo yaqaano ah in howshaan loo dhiibo. Si meesha looga saaro in aan howsha xilkordhinta loogu arag mashruuc danlay. Ansixinteeda la la sugo xildhibaano la soo doortay ee ku imaanaya nidaam qaanuuni ah oo xalaal ah.
Ugu danbeyn qodobka la xiriira madaxweynaha xilka loo kirdhinayo. Madaxweynaha waxaa doortay xildhibaanadda kor looga soo hadlay. Waxaana cad haddii ay hal sano ku darsadaan in ay madaxweynaha ku laaluushaan in ay hal sanno ugu daraan. Haddaba taas maxaa ka dhalan kara?
Waxaa dhumaya isla xisaabtankii ku xusnaa dastuurka ee ka dhexeeyay labadda gole ee baarlamaanka iyo fulinta. Meesha waxaa imaanaya koox isla qaraabaneysa oo dowladnimadda ku gabanaya, kuna adeeganaya.
Dadka fahmaya dowladnimadda si fiican bay u arkaan hindisa socda iyo shaqsiyaadka danleyda ah ee hor boodaya, waxaana la gudboon in ay codkooda ku daraan wanaajinta dowladnimadda Soomaaliya oo dhib weyn laga soo maray.
Dad badan baa waxay u arkaan in Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud uu ka mid yahay dadka kooban ee fahamsan xasaasoyadda mqaraarkan kadhalan kara, waxaana loo baahan yahay in uu danleyda ka ilaaliyo in ay dowladnimadda dumiyaan iyagoo mushaar iyo dano kooban raadinaya.
Haddii ay baarlamaanka madaxweynaha hal sanno ugu daryaan waxba kuma jabna, waana sameyn karaan, markii horeba iyahaa doortay, laakiin waxaa ceeb ah oo nidaanka iyo dastuurka qabyadda ah khilaafsan in uu baarlanaanku bedelo qodob iyaga dan u ah oo khuseeya…
Dowlanimadda Soomaaliya uma adeegeyso mana haboona sharuudda ah, “baarlamaanku ha ku daerado hal sanno, madaxweynaha aan ugu darno hal sanno.” Waxaa iyana xusid mudan, in arrintaa ay ka dhalan doonto mucaarad badan oo aan la dhacsaneyn qaraarkaas, howshuna waxay ugu danbeyn noqon doontaa hal bacad lagu lisay.
Marka waxaa haboon in aan mucaarad fursad loo abuurin ee uu baarlamaanku ka shaqeeyo danta guud ee shabka Soomaaliyeed, dardarna galiyaam in dastuurka la dhameys tiro Soomaalia ay u xoogeysato.
DHAMAAD.