Xiisado sababay khasaare nafeeed oo ka taagan gobolka Mandheera & caro ka dhalatay

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dibadbaxyo ballaaran oo maanta ay sameeyeen shacabka magaalada Takaba oo ku taalla Galbeedka Ismaamulka Mandera ee Waqooyiga Kenya, kadib markii kooxo hubaysan ay dad deegaanka ah dileen.

Dadweynaha ayaa caro ka muujiyay weerar kooxdani hubeysan ay galabnimadii shalay ka fuliyeen waddada u dhexeysa Takaba iyo Wargadud, halkaas oo rag hubeysan ay rasaas ku fureen mootada laba lugood leh oo deegaanka looga yaqaan bodha-bodha oo ay wateen dad shacab ah. Weerarkaasi waxa uu sababay geerida hal qof iyo dhaawaca tiro kale.

Dibadbaxayaasha ayaa jidadka soo buuxiyay, iyagoo dowladda Kenya ugu baaqay in tallaabo degdeg ah laga qaado xaaladda amni-darrida sii kordheysa ee gobolka, ayna xaqiijiso in shacabka laga ilaaliyo weerarada joogtada ah ee kooxaha hubeysan, sida aan ka soo xigaynayo warbaahinta deegaanka.

Dhanka kale, warar kale oo la helayo ayaa tilmaamaya in xiisado beeleed ay markale ka qarxeen qaybo ka mid ah Ismaamulka Mandera, iyadoo dhowr qof ay waxyeelo ka soo gaartay shaqaaqooyin dhacay shalay ilaa xalay.

Koox hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday deegaanka Gofa oo ku yaalla Waqooyiga Mandera, halkaas oo ay dad shacab ah waxyeelo kasoo gaartay.

Arrintan ayaa sare u qaaday cabsi iyo hubanti la’aan ku saabsan ammaanka gobolka, iyadoo shacabka iyo odayaasha deegaanka ay si joogto ah ugu baaqayaan dowladda dhexe iyo maamulka deegaanka Mandera inay si dhab ah wax uga qabtaan rabshadaha soo noqnoqda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed