Xiisadda Taiwan oo ka sii daraysa

4, August 2022

Xiisadda Tawian oo cirka isku shareertay

Shiinaha ayaa bilaabay dhuulatuskii ciidan ee ugu waynaa ee abid uu ka sameeyo gobolka, gaar ahaan aagga biyaha jasiiradda Taiwan.

Tani waxay dabajoogtaa safarkii muranku harreeyey ee Taiwan ay ku tagtay afhayeenka aqalka Congress-ka Mareykanka Nancy Pelosi, booqashadaas oo Shiinuhu ka digay.

Dhulka uu Shiinuhu ka samaynayo carbiska ciidan ayaa 12 mile oo qura wuxuu u jiraa jasiiradda, iyadoo ay tahay markii ugu horreysay ee Shiinuhu masaafo sidaasi u dhow u soo jirsado Taiwan.

Taiwan waxay sheegtay in tallaabadaasi, oo xayiraad saaraysa maraakiibta iyo diyaaradaha inay ku tahay xadgudub madaxbannaannideeda ayna ka macno tahay go’doomin.

Shiinuhu wuxuu u akraa Taiwan dhul uu leeyahay oo maqan, iyadoo jasiiraddu 100 mile ka durugsan tahay dhulwaynaya Shiinaha.

Tani sidoo kale waxay ku soo aadaysaa iyadoo xurgufta siyaasadeed ee ka aloosan Mareykanka iyo Shiinaha ay ka sii darayso.

12 maraakiibta dagaalka oo Shiinuhu leeyahay ayaa ku hareeraysan jasiirada, waxaa kale oo hawada meeraysanaya diyaaradaha dagaalka, iyadoo boqolaal kun oo ciidamo ah loo daagureeyey aagga uu ka socdo carbiska ciidan.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed