Xiisadda colaadeed ee ka aloosan gobolka Amxaarada ee Itoobiya oo ka sii daraysa.

Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamada Faderaalka ee ay labadii todobaad ee lasoo dhaafay ciidamo dheeraad ah oo gurmad ah kusoo daabulayeen gobolka Axmaarada oo mudo sanad ka badan ay kasocdaan kacdoono hubaysan, waxayna halkaasi ka bilaabeen olole ay shacabka ku qabqbanayaan sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah iyo warbaahinta maxalliga ah.

Maleeshiyada Fana, ee ka soo jeeda qowmiyadda labaad ee ugu weyn Itoobiya ee Axmaarada – ayaa bishii Abriil ee 2023 hubka qaatay si ay uga horyimaadaan dowladda dhexe iyagoo ka dhiidhiiyay sida ay hadalka u dhigeen xuquuq duudsin iyo dhibaatooyin ka dhan ah gobolka Amxaarada oo lagu sheegay in ay ku nool yihiin 23 milyan oo qof.

Itoobiya ayaa ka kooban in badan 80 qoomiyadood, waxaana ugu badan Qowmiyadda Oromada oo ah 34.4%, Axmaarada oo ah 27.0%, Soomaalidu ayaa ka ah tirada dalkaasi 6.22% halka Tigreega lagu sheegay 6.08%.

Khilaafkan ayaa ka dhashay rabitaanka madaxda federaalka oo ku aadanaa in ciidamada Fano iyo kuwa nabad sugidda gobolka hubka laga dhigo. Bishii Agoosto 2023, dawladdu waxay ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo lagu soo rogay gobolka Amxaarada.

“Labadii toddobaad ee la soo dhaafay, dhowr cutub oo ciidan xoojin ah oo ah askarta federaalka ayaa la diray gobolkaasi, waxaana la xiray shaqaale badan oo dowladda ka tirsan oo looga shakisan yahay inay gacan saar la leeyihiin kooxda Fano,” sidaasi waxaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay ilo wareed dhanka ammaanka ah.

Hay’adda Amnesty International ayaa Talaadadii cambaaraysay xarig-wadareed ka dhacay gobolka Axmaarada, iyadoo soo xiganaysa boqolaal qofin la xiray kuwaasi qaarkood la sheegay inay ahaayeen aqoonyahanno.

AFP, waxay sheegaysaa in wararkan si madax banaan aan loo xaqiijin karin, maadaama maamulku xaddiday tegitaanka aaggaasi isla markaana xorriyada saxaafaddu ay tahay mid aad liidata.

Iska horimaadyada u dhexeeya ciidamada federaalka iyo maleeshiyaadka Fano ayaa dhiig badan ku daatay, 17kii Sebtembar, sagaal qof oo u badnaa dad rayid ah ayaa lagu dilay magaalada Depark ee gobolka Axmaarada, oo 750 kiiloomitir waqooyi ka xigta caasimadda Addis Ababa.

Mudo ka badan hal sano ayaa maleeshiyaadka Faano oo aan lahayn talis dhab ah oo dhexe waxay xoojiyeen weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda federaalka, waxayna dhowr jeer ay qabsadeen magaalooyin ka tirsan deegaankaasi.

Maleeshiyaadka Fano ayaa aaminsan in la khiyaanay kadib markii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu heshiis nabadeed bishii Noofambar 2022 la galay Jabhadda ay dariska yihiin ee Tigreega, oo muddo dheer cadaw ku ahaa qowmiyadda Axmaarada, oo maamul ahaan sheegta dhul ka tirsan gobolka Tigray.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed