Xiisad cusub ayaa laga soo sheegayaa gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, kadib markii warar la helay ay tilmaameen in ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolkaasi ay amar ku bixiyeen in ciidamada dowladda Federaalka ee ku sugan Baladxaawo ay muddo saddex cisho ah uga baxaan magaaladaasi.
Wararka ayaa sheegaya in amarkan uu ka dhashay kulan ay saraakiil Itoobiyaan ah la yeesheen odayaasha dhaqanka ee deegaanka, kaasoo ka dhacay degmada Doolow ee isla gobolka Gedo.
Guddoomiyaha gobolka Gedo ee ay magacowday dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Cabdi Jaamac (Shimbir) ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in saraakiil Itoobiyaan ah ay soo saareen amarkaasi, hase yeeshee wuxuu caddeeyay in aysan u hoggaansami doonin, islamarkaana ciidamada dowladda ee uu hoggaamiyo Cabdirashiid Janan aysan ka bixi doonin dalkooda hooyo.
“Ciidamada Itoobiya waxay amar ku bixiyeen in ciidamada dowladda ee ku sugan xerada UK gaar ahaan kuwa uu hogaamiyo Cabdirashiid Janan ay saddex maalmood gudahood uga baxaan magaalada,” ayuu yiri Guddoomiye Shimbir oo warbaahinta la hadlay.
Wuxuu intaa ku daray in ay garabsi la leeyihiin ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta ee AUSSOM, balse haddii amar sidan oo kale la isku dayo in la dhaqan geliyo, mas’uuliyadda wixii ka dhasha ay saaran tahay saraakiisha soo saaray.
Guddoomiye Shimbir wuxuu arrintan ku tilmaamay mid cadaalad-darro ah, wuxuuna ka digay in tallaabadan ay dhaawici karto xiriirka wanaagsan ee u bilowday labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada Itoobiya ay weerar ku qaadeen xarunta NISA ee degmada Doolow, halkaas oo ay gabi ahaanba gubeen saldhigga kadibna ay xireen taliyihii halkaas joogay. Weerarkaasi ayaa dhacay iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayay, oo uu ku jiray Taliyaha Sirdoonka Qaranka ay ku sugnaayeen magaalada Addis Ababa.
Dhinaca kale, ilo-wareedyo ku sugan Baladxaawo ayaa xaqiijiyay in aysan jirin wax qorshe ah oo ciidamada ku sugan magaaladaasi iyo xerada UK ay uga baxayaan, taasoo muujinaysa in aan lagu dhaqmin amarka saraakiisha Itoobiya.
Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan amarada ka soo baxay Itoobiya ama weerarkii hore ee lagu qaaday xarunta NISA ee Doolow. Sidoo kale, ma jiro war cad oo kasoo baxay dowladda Itoobiya oo beeninaya ama xaqiijinaya arrimahan.
HBN ONLINE TV