Xiddiga kooxda Barcelona Lamine Yamal ayaa jabin doonta rikoorka 82-sano yaalay ee El Clasico

Weeraryahanka kooxda Barcelona Lamine Yamal ayaa jabin doona rikoorka El Clasico ee soo jiray tan iyo 1941-kii haddii uu garoonka uu soo galo kulanka Real Madrid iyo Barcelona.

Labada kooxood ee kubada cagta ee ugu waa weyn Spain ayaa geesaha ku xiri doona Estadi Olimpic Lluis Companys – guriga ku meel gaarka ah ee Barcelona – iyadoo Camp Nou uu haatan ku socdo dib u habeyn ballaaran.

Barcelona ayaa ku jirta kaalinta 3-aad ee kala saraynta horyaalka La Liga iyaga oo hal dhibic ka dambeeya kooxda hogaanka haysa ee Real Madrid, tababaraha kooxda reer Catalonia ee Xavi ayaa diiday in uu hoos u dhigo muhiimada kulankaas intii uu ku jiray shirkiisa jaraa’id ka hor kulanka.

Yamal ayaa ah midka ugu cadcad ee safka midig ka dheela, iyadoo xiddiga heerka caalami ee dalka Spain uu yahay ciyaaryahan muhiim u ah kooxda xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay hal gool, labo caawin 13 kulan oo uu saftay.

Haddii, sida la filayo, weeraryahanku uu ciyaaro, waxa uu jabin doonaa rikoorka 82-sano ee El Clasico.

Sida uu xaalku yahay, ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee ka soo muuqday ciyaartan caanka ah waa Vicente Martinez, kaasoo jiray 16 sano iyo 278 maalmood markii uu Barcelona u ciyaarayay ciyaartii Real Madrid 1941kii.

Yamal waa 16 sano iyo 107 maalmood, sidaas darteed si raaxo leh ayuu u jabin doonaa rikoorka haddii Xavi uu isticmaalo marxalad ka mid ah kulanka horyaalka Spain.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed